X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Nuur Oo Ka Mid Ahaa Culmida Waaweyn Ee Dalka

Araweelo News Network

Ceergaabo(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee iimaamkii masjid jaamaca Ceerigaabo, Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Nuur, oo ka mid ahaa culimada waaweyn ee Somaliland.

Allah haw naxariistee, Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan, wuxuu ahaa culimada aan warbaahinta ka muuqan ee tacabka badan geliyay sidii ay usoo saari lahaayeen jiilal dhalinyaro ah oo dhaxla aqoonta diinta iyo digriga Allah.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay geerida Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan, wuxuu dhanbaalkiisa tacsida ah ku yidhi, sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Culimada dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Allah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Nuur oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 09/08/2020 Magaalo madaxda Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo.

.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu Sheekha ku sifeeyey mid ka mida culimada dalka magaca iyo maamuuska ku dhex leh, gaar ahaan gobolka ceerigaabo oo uu muddo dheer ka ahaa iimaamka masjid jaamaca Ceerigaabo.

 

 

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLAH uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, culimada dalka, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post