X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Gaashaanle sare Marxuum Cumar Aw Maxamed (Dhako-finish)

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi 6 Oct, 2019 Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Gaashaanle Sare Marxuum Cumar Aw Maxamed oo lagu naanaysi jiray Mujaahid Cumar (Dhako Finish) oo maanta ku geeriyodooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in marxuumku ka mid ahaa dadkii dalka Somaliland usoo halgamay isla markaana ka qayb qaatay dib u dhiskii iyo nabadaynta qaranka, isagoo marxuumku xilligan ka tirsanaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Biixi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u diray, ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan ciidanka Qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee mujaahid gashaanle sare Marxuum Cumar Aw Maxamed Xasan (Dhako-finish) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/05/2020, caasimadda Somaliland ee Hargeysa.   

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid weyn oo kaalin muhiima ka soo qaatay halgamadii kala danbeeyey ee dalka loo soo galay, isagoo dhinaca kale ka mid ahaa Marxuumku saraakiishii qaybta ka qaatay dhismaha ciidanka qaranka Somaliland iyo dib u dhiskii dalka.  

“Mdaxweynuhu marxuumka, wuxuu Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamadda kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu yidhi, dhanbaalka tacssida ee kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post