X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Curashada Bisha Barakaysan Ee Ramadaan Oo Dunida Islaamka inteeda Baddan Ka Kowsatay

Photo File Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(ANN)Bisha Barakayan ee Rmadaan ayàa lagaga dhawaaqay Somaliland, geyiga Soomaalida iyo dunida islaamka inteeda baddan. Kadib markii ay Bisha Shabcaan ku buuxsantay Arbacadii 30, taas oo ku beegan tàariikhda Miilaadiga 17 Jun 2015.

Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay curashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan. Sidaana waxa lagu sheegay dhanbaal kasoo baxay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaas oo Madaxweyne Siilaanyo ugu bushaareeyay shacbiga khayrka I yo acmaasha bisha Ramadaan.
Dhanbaalka Madaxweynaha Somaliland kaga hadlay bisha Rmadaan, oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa u qornaa sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Dhambaal Hambalyo ah u dirayaa Shacbiga Somaliland Meelkastoy Joogaan Dalka Guddihiisa & Dibediisaba, Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed, waxaanu ugu Bushaaraynaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay caawa oo ay taariikhda Miilaadiga ahi tahay 17/06/2015, halka ay taariikhda Hijiriyada Islaamkuna ka tahay 01/09/1436.

Madaxweynuhu waxa uu ILLAAHAY uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo bishan bisheeda ummadda Islaamka dhamaantood. Isaga oo dhambaalkan mid la mid ahna u Dirayaa Madaxweynuhu Shucuubta islaamka ee Caalamka ku nool guud ahaanba.

Sidoo kale waxa uu Bisha Barakaysan ee Ramadaan Awgeed ILLAAHAY uga barayayaa Bukaan jiifka ay ramadaan ugu soo gashay iyaga oo aanu caafimaad koodu taam ahayn, awoodna aan u lahayn soonka ALLE inagu waajibiyey, in uu ka dulqaado xanuunka, intii dhimatay ee aan nasiibka u yeelan in ay innala qaatan farxadan qaaliga ah ee Bisha Ramadaana waxa uu Illaahay uga baryay danbi dhaaf iyo inuu janatu fardawsa ka waraabiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post