X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadkay Doorashada Ra’iisal Wasaaraha Cusub Ee Dawladda Federaalka Ah Ee Ethiopia

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay doorashada ra’iisal Wasaaraha cusub ee dawladda Federaalk ah ee Ethiopia oo Baarlamaanka la horgeeyay maanta. Kadib markii todobaadkii hore Midawga Axsaabta EPRDF u doorteen inuu noqdo Dr. Abiy Ahmed Ali oo kasoo Jeeda Qowmiyada Oromia.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, waxa lagu yidhi, “Madaxweyna Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi oo ku hadlaya afka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo ka shacbiga waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ra’isal Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed Ali oo maanta si rasmi ah u noqday ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya, isla markaana hore loogu doortay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee EPRDF.

Madaxweynuhu sidoo kale wuxu hambalyeynayaa dalka iyo shacbiga aynu jaarka nahay ee Ethiopia oo uu inaga dhexeeyo xidhiidh qoto dheer oo salka ku haya deris wanaag, ganacsi iyo iskaashi nabadgalyo.

Waxa Hubaal ah in aynu wadaagno dalka Ethiopia taariikh ma guurto ah iyo saaxiibtinimo soo taxnayd wakhti dheer, waxaanu madaxweynuhu ku sifeeyey ra’isal wasaaraha cusub siyaasi ka sii amba qaadi kara halka uu taagan yahay wakhtigan dalka Ethiopia, wuxuuna u rajeeyey guul, horumar iyo inuu sii xoojiyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeeya dalalka Somaliland iyo Ethiopia.

Madaxweynuhu wuxuu uga mahadnaqay ra’isal wasaarihii hore ee is casilay Hailemariam Desalegn, sidii fiicnayd ee uu u adkeeyey xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya.” ayaa lagu yidhi qoraalkaa.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post