X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Imaaraadka Ku Qaabilay Masuulyiiin Ku Biiray Wefdigiisa

Araweelo News  Network

Abu-dhabi(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa hadhimo sharafeed is xogwareysi ah qasriga Emirates palace oo uu degan yahay ugu sameeyay xubno ka tirsan xukuumada Somaliland oo shalay ka dhoofay madaarka cigaal International Airport, isla markaana gaadhay imaaraadka carabta gaar ahaan Abu-dhabi, iyagoo ka koobnaa wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada-da, gudoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, taliyeyaasha Ciidan Jamhuuriyadda Somaliland, ujeedada safarkooduna la xidhiidhay hirgelinta iyo ka midho dhalinta mashaariicda Imaaraadka Carabtu Somaliland Ka Taageerayaan.

Marti-qaadkan Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi qasriga uu ka degan yahay magaalo madaxda isu-tagga Imaaraadka Carabta ee Abu dhabi marti-qaad ugu sameeyay xubno ka socda xukuumadiisa oo safar shaqo kaga daba yimi waftiga uu hogaaminayay ee maalmihii u danbeeyey socdaalka shaqo ku joogey Imaaraadka carabta, waxaana kulankan ay wada qaateen madaxweynaha Somaliland iyo weftiga xukuumada Somaliland ka socday eek a daba-tegay ay ka wada hadleen is fahanka iskaashi ee dhexmaray madaxda wadamada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo mashaariicda ay ka wada shaqayn doonaan, taasi oo sababtay in loo yeedho iyaga.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland masuuliyiinta uga xog-waramay guulaha safarkiisan ku lamaanaa iyo waxyaabaha ay isla meel dhigeen masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isagoo madaxweynuhu hoosta ka xariiqey in safarkan ay xubnahani ku yimaaden Imaaraadka carabtu ay bilow u tahay qorshayaasha ay isku afgarteen hoggaamiyeyaasha Imaaraadka Carabta, isagoo tafaasiil ka bixiyay in Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay ku wada talaabsan doonaan guulo horumarineed oo ay gaadhaan labada bulsho ee ku kala dhaqan dalalka Somaliland Imaaraadka.

Xubnaha Waftiga safarka shaqo kaga daba tegay Imaaraadka Carabta madaxweynuhu waxay ka kooban yihiin.

1. Wasiirka Isgaadhsiinta iyo tignoolajiyada-da Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi
2. Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sareeyo gaas, Nuux Ismaaciil Taani
3. Taliyaha ciidanka booliska sareeyo gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan
4. Taliyaha Ciidanka badda sareeye guuto Cabdi Xirsi Ducaale iyo
5. Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland, Maxamed Ibraahin Cabdi (Dhoobaale)

Dhankiisa Safiirka Somaliland u qaabilsan Imaaraadka carabta Baashe Cawil Cumar ayaa sfaraxey in waftigan soo gaadhey isu-tagga Imaaraadka carabta ee ka daba yimi waftigii hore ee madaxweynaha Somaliland hoggaaminayay ay ka shaqeyn doonan arrimaha farsamada ee mashaariicda ay isdhaafsanayaan dalalka Somaliland iyo Imaaraadka carabta socdaalkoodanina uu salka ku hayo qodobadii madaxdweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kala hadley masuuliyiinta imaraadka carabta.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post