X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Oo Gef Iyo Gardaro Ku Tilmaamay Guddida Uu Magcaabay Madaxweynaha Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay ka ganacsiga Tacliinta Iyo Caafimaadka Dalka, 15 Jun 2019. Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa gef iyo gardarro ku tilmaamay guddida uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya  kusoo daro xubno dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo uu ku tilmaamay inaanay Somaliland meteli Karin shaqsiyaad iskood u shaqo tegay oo aan cidna metelin.

Madaxweyneha Somaliland Muuse Biixi Midig, Aqoonyahan Siciid Jaamac Xuseen Bidix iyo Aqoonyahan Siciid Saalax dhexda 20 July 2019 Madaxtooyadda Somaliland Hargeysa.

 “Waxa deelqaaf ah oo aan caqliga gelin guddi buu magacaabay oo uu yidhi Somaliland baannu doonaynaa inaannu lasoo heshiinno, rag Somaliland u dhashay oo isaga la joogana wuu soo magcaabay, waxaase u hadli doona dadkeeda xilalkeeda haya ee ummaddani dooratay ama ay igmatay inay u hadlaan.” yuu yidhi, Madaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeediyay xalay casho-sharaf qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey safiirro, diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo qoraayo ka socda dalalka caalamka, kuwaas oo dalka u jooga hawlo la xidhiidha ka qaybgalka carwada caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa oo maalinta ka furantay xarunta dhaqanka ee Hargeysa.

Midig, Aqoonyahan Siciid Jaamac Xuseen, dhexda Aqoonyahan Maxamuud Sh Dalmar, Bidix Aqoonyahan Siciid Saalax 20 July 2019 Madaxtooyadda Somaliland Hargeysa.

Kulanka casho-sharafta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey safiirrada, diblomaasiyiinta, aqoonyahanka iyo qoraayada ka socda dalal ku yaalla qaaradaha kala duwan ee dunida, khudbadana ay ka jeediyeen aqoonyahan Jaamac Muuse Jaamac, safiirka midawga yurub Amb. Nicolás Berlanga Martínez, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, madaxweyne-ku-xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda xarunta dhaqanka ee Hargeysa, qaar kamid ah safiirrada Somaliland ee dalalka caalamka, aqoonyahanno iyo qoraayo reer Somaliland ah iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan.

Kulanka Aqoonyahanka iyo Madaxweynaha Somaliland 20 July 2019 Madaxtooyadda Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland,  waxa kale oo uu  dheeraaday faa’iidooyinka ay Somaliland ka hesho carwada Buugaagta Hargeysa lagu soo bandhigo hibooyinka dhallinyarada iyo dhaqaranka Somaliland, isaga oo hoosta ka xarriiqay in dhammaanba  ka qayb-galayaasha carwada Buugaagta ee Hargeysa ay yihiin saaxiibbo gaar ah oo ay Somaliland leedahay, islamarkaana caalamka gaadhsiiyaan wanaagga iyo nabadda taalla Somaliland.

Madaxweynha Somaliland oo qaabilay Haweenka aqoonyahanka ah ee ka qaybgalay munaasibada bandhiga Dhaqanka Somaliland Hargeysa 20 July 2019

 , “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.” Ayuu yidhi.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo la kulmay Aqoonyahano iyo Dublamaasiyiin ka qaybgelya Bandhiga Bugaagta Hargeysa 20 July 2019

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi, waxa uu sheegay inuu  Madaxweynaha Soomaaliya ee maamulka Muqdisho kordhiyey cadaawadda uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimi, cidda wax tabanaysaana aanay ahayn shacabka reer Somaliland ee dalkooda jooga,  isagoo yidhi, “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga  la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu farriin garnaqsi ah u diray axsaabta mucaaridka, waxana uu si cilmiyeysan u sharraxay sida aanay isula jaanqaadi Karin rabitaanka mucaaridka iyo waqtiga hadhsani, “Saaxiibbayaal waqtigii doorashada bisha Augost (Siddeedaad) tobankeeda haddii ay inaga gaadho sharcigu wuxuu dhigayaa in loo gudbiyo guurtida, caawana waxa aynnu joognaa 20-kii Jully, waxa aynnu ku murmaynaanna waa laba halla kordhiyo iyo yaan la kordhin. Saaxiibbaday waxan weydiinayaa ma waxa muhiim ah in guddigga doorashada laba lagu daro mise in doorasho inoo dhacdo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sharraxay sida  kaliya ee lagu qaban karo doorasho aan waqtigeedii ka dib dhicin, waxana uu yidhi, “Waxan leeyahay laba halla kordhiyo oo imika sharcigeedii halla bilaabo macquul ma ahee sharcigu sida uu yahay hadda aynnu ku galno, markay aynnu doorashada Baarlamaanka dhammaynonna aynnu kordhinno labada.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post