X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Safar Ugu Baxay Dalka Ethiopia

Araweelo News Network

Madaxweyne Muuse Biixi safar

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti balaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16/01/2018 safar shaqo oo qaadan doona maalmo kooban ugu ambo-baxay dalka Ethiopia.

Safarka madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa daba socda marti-qaad rasmi ah oo uu usoo diray ra’isal wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegne, waxaana sida qorshuhu yahay uu madaxweynuhu la kulmi doonaa ra’isal wasaaraha Dalkaasi, iyada oo kulankaasna diiradda lagu saari doono xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.

 

Madaxweynaha, ayaa waxa safarkiisa ku wehelinaya xubno ay kamid yihiin:

1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed

2. Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska Somaliland, Mudane Maxamuud Xasan Sacad

3. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud xiir (Faratoon)

4. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shiire oo weftiga kaga Biiri doona Dalka Itoobiya.

5. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas, Nuux Ismaaciil Taani.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post