X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabilay Wefti Culus Oo Ka Socda Dalka Czech Republic

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxwnaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qaabilay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Czech republic oo uu hoggaaminayo wasiir ku-xigeenka waddankaas u qaabilsan wershadaha iyo ganacsiga Mr. Vladimir Bartl.

Kulanka madaxweynuhu la qaatay weftiga ballaadhan ee ka socda waddanka Czech republic, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, safiirka Somaliland u qaabilsan ururka midowga Afrika, Ambasador Cabdilaahi Maxamed Ducaale iyo xubno kale.

Kulankan, ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo la xidhiidha guulaha ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay Somaliland mar walba diyaar ugu tahay inay dalalka caalamka xidhiidh la yeeshaan.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga warbixin ka siiyey heerarkii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, guulaha ay ku tallaabsatay iyo heerka ay ka gaadhay Dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka, isaga oo uga mahadceliyey booqashadooda ay ku yimaaddeen Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne Muuse, waxa uu xubnaha weftiga u caddeeyey inay dal ahaan soo dhaweynayaan cidkasta oo ay u arkaan inay iska kaashan karaan dhinacyada horumarka, siyaasadda iyo saaxiibtinimadaba.

Weftiga ka socda dalka Czech, ayaa dhinacooda madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhaweyntiisa, islamarkaana ay dal ahaan diyaar u yihiin sidii ay Somaliland uga hirgelin lahaayeen mashaariic la xidhiidha dhinacyada kaabayaasha dhaqaalaha iyo waxbarashada, ganacsatada dalkooduna xidhiidh toolmoon la yeeshaan dhiggooda reer Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post