X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Dalka Kusoo Laabtay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib markii ay soo dhammaysteen safar shaqo oo laba maalmood qaatay , kaas oo ay ku tageen dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan wasiirada arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Waxbarashada iyo Sayniska Md. Yaasiin Maxamuud Xiir(faro-toon), Caddaaladda Md. Cabdiqani Maxamuud Xaateeye, taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Ilaalada Xeebaha sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan iyo sareeyo guuto Cabdi Xirsi Ducaale, ayaa subaxnimadii hore ee saaka kasoo degay garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi salaan sharafeed ka qaatay cutub katirsan ciidamada qaranka oo halkaas ku sugnaa.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay gudaha madaarka Cigaal International Airport, ayaa si mug leh u faahfaahiyey waxyaabihii uga soo qabsoomay safarka ay ku tageen dalka Jabuuti, waxaana uu sheegay inay soo dhaweyn diirran kala kulmeen madaxweynaha dalka Jabuuti iyo xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Intii aanu joognay Jabuuti si wanaagsan oo milgo leh oo qurux iyo xarrago leh ayaa naloo soo dhaweeyey, waxaanu is aragnay madaxweynaha dalka Jabuuti, waxaanu sidoo kale la kulanay wasiirrada dhigayaga ah, waxaanu kormeer kusoo marnay mashaariic horumarineed oo aad u badan oo qiimo leh, ku dayashona mudan, xalayna jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Jabuuti ayaanu la kulanay.”

Wasiir Sacad oo hadalkii sii wata, ayaa sheegay inuu safarkaasi ahaa mid shaqo, waxaana uu tilmaamay inay labada dal ee Somaliland iyo Jabuuti leeyihiin xidhiidh ma guuraan ah oo dhinacyo badan leh, “Safarkaasi si wanaagsan buu noogu dhacay, mid saaxiibtinimo iyo mid shaqo-ba wuu ahaa, mid inaga iyo Jabuuti inaga dhexeeya ayuuna ahaa, taas oo ka turjumaysa ehelnimada iyo cilaaqaadka wanaagsan ee dhinac walba ah, Jabuuti waa waddan aynu leenahay cilaaqaad taariikhi ah oo qoto dheer oo dhinac walba ah, haddii ay ganacsi tahay, haddii ay isu socodka dadka tahay, haddii ay ehelnimada tahay, haddii ay dhaqaale tahay iyo haddii ay mid ammaan tahayba, xidhiidhkeenuna mid saaxiibtinimo oo kali ah ma ahee waa mid jaarnimo iyo mid dhinac walba ah,” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire waxa uu xusay inay wefti ahaan soo dhaweyn meeqaamkeedu sarreeyo kala kulmeen dalka Jabuuti, waxaana uu mid mid u dul istaagay waxyaabaha ay sida gaarka ah diiradda ugu saareen wada-hadalladii labada dhinac yeesheen, waxaana uu yidhi,“Anigu muddo badan oo ilaa 8-sanadood ah baan dawladda kusoo jirey, dalal badanna waanu tagnay, laakiin sida Jabuuti naloogu soo dhaweeyey si la mid ah cid inoo soo dhaweysay ma jirto, marka ay madax waddamo isu yimaadaan waxa laga wada hadlaa dano wajiyo badan leh oo dhinacyo siyaasadeed, dhaqaale, siyaasadeed, ganacsi iyo nabadgelyo leh, annaguna intaba waanu ka wada hadalnay, waxa wada-hadalkayaga kamid ahaa sidii loo wada ilaashan lahaa khayraadka badda, sidii loo fududayn lahaa socdaalka, ganacsiga loo fududayn lahaa la isagana caawin lahaa xagga tabobarrada iyo waxyaabo badan oo ka turjumaya danaha labada dal.”

Wa- bilaahi Tawfiiq

 

Naasir Yuusuf Daahir
Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post