X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti Uu Hoggaaminayo oo Si Ballaadhan Loogu Soo Dhaweeyey Gobolka Gabiley

Gabiley(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Gabiley ee xarunta gobolka Gabiley oo ay socdaal shaqo ku tageen.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo safar shaqo ku jooga gobolka Gabiley, ayaa waxa soo dhaweyn diirran ku qaabiley qaybaha kala duwan ee shacabka reer Gabiley oo ku labbisan calanka Jamhuuriyadda Somaliland, caleemo qoyanna lulaya, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, kuwaas oo ay ka muuqatay taageerada hagar la’aanta ah ee ay la garab taagan yihiin madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Kumannaan kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Gabiley oo taxnaa kaantaroolka iyo waddada weyn ee badhtamaha magaalada marta, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa u gelbiyey guriga martida magaalada Gabiley, waxana intaas kaddib ujeeddada safarka madaxweynaha ka warbixiyey Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,

Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Ujeeddada madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo socdaalkoodu waxa uu daarran yahay hawl-maalmeedkii shaqo ee dastuuriga ahaa ee uu madaxweynuhu ku mari jirey gobollada kala duwan ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland. muddada uu madaxweynuhu gobolka Gabiley ku sugan yahana waxa uu xog-ogaal u noqon doonaa xaaladda guud ee gobolka iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda, waxana madaxweynaha iyo weftigiisu kulamo la qaadan doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka gobolka.”

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac waxa uu guud ahaanba shacabka gobolka Gabiley ku dhaqan iyo maamulkooda ugaga mahadnaqay sida aan kala hadhka lahayn ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo.


Wa-baahi Tawfiiq

                Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post