X

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefdigiisa Ee Imaaraadka Maxaa Kasoo Kordha?y

#Abudhabi; Maxaa Kasoo Kordhay Madaxweyne Cirro iyo Wefdigiisa Dalka Imaaraadka ?

#Araweelo_News_Network

Abu dhabi #UAE  (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo wefdigiisa ayaa gaadhay dalka Imaaraadka Carabta ee Abu Dhabi.

Ma jiraan warar kasoo baxay  wefdiga Madaxweynaha tan iyo markii ay gaadheen dalka Imaaraadka maalintii Axaddii ee shalay 26 January 2025, balse warar kala duwan oo shebekaddaha Araweelo News Network heshay dalka Imaaraadka ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha Somaliland  iyo wefdigiisa si baratakool sare ah loo qaabilay markii uu halkaa gaadhay. Iyadoo markaa kaddib la dejiyay mid ka mid ah dhismayaasha la dejiyo wufuuda oo taal Abu dhabi.

In kasta oo aannay Xukuumadda Somaliland ka hadlin safarka Madaxweynaha iyo wefdigiisa waxa soo baxaya warar sheegaya in durba ay bilaabmeen kulamadii u qorshaysnaa qaarkood, kuwaas oo diirada lagu saaray xidhiidhka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo sidoo kale mashaariic la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha iyo xoojinta meelaha ay Xukuumadda Somaliland doonay in laga taageero ee addeegyada kaabayshaa dhinaca dhaqaalaha

Su’aalaha ka dhashay safarka Madaxweybaha ee la xidhiidha sababta aan loo arag muuqaalo ku saabsan qaabkii loo soo dhoweeyay ayaa u muuqda in aannay daynay.n wefdigu innay ku mashquulaan, iyagoo taas bedelkeeda doonaya innay qaab dublamaasiyadeed u wataan hawshooda, isla markaana natiijada kulamada kaddib marka ay dalka kusoo laabtaan ka bixiyaan warbixin ka turjumay safarkooda, taas oo aan ahayn wax ku cusub safarada madaxda iyo wufuuda oo qaarkood sidan oo kale sameeyaan marka uu dalkaasi doonayo in aan la akhriyin ama la helin ujeeddada safarkooda iyo cidda ay kala kulmayaan dalka ay booqdeen.

Dhinaca kale. Waxay dad baddan ku badinayaan Baraha bulshada waxyaabo la xidhiidha safarka wefdiga Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, kuwaas oo qaarkood u faafinayaan qaab dacaayad ah iyo borabagaando, taas oo muujinay in aannay qaranimada Somaliland iyo waajibaadka Madaxweynaha la doortay ee ku guulaystay doorashadii Nov 13 2024, aqlabiyada saddex meelood oo laba meelood  (2/3) ku qanacsayan, waxayna arrimahani meesha ka saarayaan ku qanacsanaanta qaranimada, iyadoo dhinaca kale fursad u siinay ama u adeegay cadawga Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post