X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Iyo Wasiirka Madaxtooyada Imaaraadka Carabta Oo Kulan Kuwada Qaatay Qasriga Isu-tagga Imaaraadka Carabta

Araweelo News Network

Dubai(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayay ee marti-qaadka rasmiga ku jooga Isu-tagga imaaraadka carabta ayaa kulan la qaatay wasiirka madaxtooyada ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka  imaaraadka carabta  Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al-Nahyan.

Kulankaa oo uu wasiirku ku qaabilay weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyadda isu-tagga imaraadka carabta, ayaa ahaa mid wasiirku weftiga ku qaabilay una muujiyay meeqaamka diblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka  Carabta ka dhexeeya.

Waxaana lagaga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo, ganacsi iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah ee kana dhexeeya labada dhinac, waxa kale oo kulankaa lagu soo qaaday arrimo muhiima oo dan u ah labada dhinac, isagoo kulanku ahaa mid dhidibada loogu sii adkaynayay wada xaajoodka arrimaha dhaqan dhaqaale,  isku tiirsanaanta,  iskaashiga  horumarinta labada shacbi ee ku kala dhaqan Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidii loo sii kobcin lahaa taariikhda ma guurtada ah ee labada dhinac.

Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulanka ka dib ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka Madaxtooyada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta kulmay si wanaagsana wuu ugu dhacay kulankaasi ay yeesheen waxaana ay ka wada hadleen danaha labada dal dhinac walba, waana aanu isku afgaranay, si wanaagsana waa na loogu soo dhaweeyey intii aanu halkan joognay oo milgo iyo sharaf leh”.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayo, waxa ay halkaasi ka sii wadi doonaan kulamada ay la qaadanayaan madaxda kala duwan ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta inta ay ku gudo jiraan safarkooda shaqo.” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Wa-bilaahi tawfiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post