Araweelo News Network
Dubai(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo waftigii uu hoggaaminayay ee marti-qaadka rasmiga ku jooga Isu-tagga imaaraadka carabta ayaa kulan la qaatay wasiirka madaxtooyada ahna ra’iisal wasaare ku xigeenka imaaraadka carabta Sheikh Mansour bin Zayed bin Sultan Al-Nahyan.
Kulankaa oo uu wasiirku ku qaabilay weftiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka qabsoomay qasriga madaxtooyadda isu-tagga imaraadka carabta, ayaa ahaa mid wasiirku weftiga ku qaabilay una muujiyay meeqaamka diblamaasiyadeed ee Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta ka dhexeeya.
Waxaana lagaga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo, ganacsi iyo siyaasadeed ee soo jireenka ah ee kana dhexeeya labada dhinac, waxa kale oo kulankaa lagu soo qaaday arrimo muhiima oo dan u ah labada dhinac, isagoo kulanku ahaa mid dhidibada loogu sii adkaynayay wada xaajoodka arrimaha dhaqan dhaqaale, isku tiirsanaanta, iskaashiga horumarinta labada shacbi ee ku kala dhaqan Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland, iyo sidii loo sii kobcin lahaa taariikhda ma guurtada ah ee labada dhinac.
Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo kulanka ka dib ka hadlay ayaa yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wasiirka Madaxtooyada Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa maanta kulmay si wanaagsana wuu ugu dhacay kulankaasi ay yeesheen waxaana ay ka wada hadleen danaha labada dal dhinac walba, waana aanu isku afgaranay, si wanaagsana waa na loogu soo dhaweeyey intii aanu halkan joognay oo milgo iyo sharaf leh”.
Madaxweynaha Somaliland iyo wefdiga uu hoggaaminayo, waxa ay halkaasi ka sii wadi doonaan kulamada ay la qaadanayaan madaxda kala duwan ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta inta ay ku gudo jiraan safarkooda shaqo.” ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.
Wa-bilaahi tawfiiq