X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiirka Dawladda UK Oo Ka Wada Hadlay Doorashooyinka Iyo Arrimo Kale

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ambassador David. Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Safiirka Dawladda Britain ee Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya oo dhowaan xilka ku wareejin doona Safiirka cusub ee dhowaan lasoo magcaabay.

Kulanka Madaxweyne Muuse Biixi iyo Ambassador David, ayaa ahaa mid Albaabada loo xidhay, balse kulankaa kadib War-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda, ayaa lagu sheegay in lagaga hadlay arrimo baddan oo la xidhiidha Doorashooyinka Golayaasha Wakiilada Iyo deegaanka.
Sidoo kalena ay ka wada hadleen sidii Britain u xoojin lahayd taageerada dhinaca caawimada ee ay Somaliland siiso iyo arrimo kale.

Qoraal saxaafadeedka kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Araweelo News Netwotk’ ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar.

Madaxweynaha Simaliland Muuse Biixi. Ambassador David Iyo saraakiisha la socotay. Araweelo News Network.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka binu-aadanimo ee ay ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqada geeska afrika iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Halkan Ka akhri: Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xoghayaha Difaaca Dawladda Britain

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu socodka dhaqaale ee geeska Afrika,Dawladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi.

Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardar geliyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post