X

 Madaxweynaha Somaliland Iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Oo Gaadhay Djibouti Iyo Su’aasha Ka Taagan

Araweelo News Network.

 

#Djibouti(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda #Somaliland,  Muuse #Biixi Cabdi oo ay wehilayaan xubno ka mid ah Wasirada xukuumaddiisa, ayaa gaadhay dalka Djibouti, waxaana kusoo dhoweeyay wefdiga Madaxweynaha Madaarka Djibouti ra’iisal wasaaraha da;lkaa iyo masuulyiin kale.

Madaxweynaha Somaliland iyo wefdigiisa markii ay gaadheen madaarka Xunbuli ee caasimadda Djibout oo ay ku sugayeen Ra’iisal wasaaraha Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, waxa lagu qaabilay  habmaamuska madaxweynayaasha, sida lagu sheegay war kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

 

 

Ra’iisal wasaaraha Jamhuuriyadda Djibouti oo ay weheliyaan wasirro ka tirsan xukuumadda dalkaa, waxay wefdiga Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha la socday wakhti kooban ku wadda qaateen qolka madaxdu ku nasato ee madaarka, ka dibna madaxweynaha iyo waftigii la socday waxaa loo galbiyay qasriga loo diyaariyay madaxda ka soo qayb-galay caleemo saarka madaxweynaha Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo markii shanaad sheegay inuu ku guulaystay doorashadii horaantii April 2021.

 

Wasiir ku xigeenka ariimaha dibadda ahna ku simaha wasiirka arrimaha dibedda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan, sila markaana sii haya xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda, kadib markii Yaasiin Maxamuud Xiir iska casilay xilkaa isagoo ku biiray murashaxiinta gollaha wakiillada uga tartamaya xisbiga Kulmiye gobolka Sool, ayaa warbixin ka warbixiyay wefdiga Madaxweynaha Somaliland.

Dhinaca kale, ra’iisal wasaaraha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo masuuliyiin kale, ayaa gaadhay dalka Djibouti, kuwaas oo ka qaybgelaya xaflada Madaxweyne Geelle markii shanaad dalkaa loogu cimaamadayo shanta sannadood ee soo socda.

Munaasibada ayaa maalinta beri ka dhici doonta dalka Djibouti, lamase ogga Madaxweyne Biixi iyo xubnaha la socdaa in ay la kulmi doonaan Ra’iisal wasaaraha Somalia iyo xubnaha la socda munaasibada ka hor iyo kadib marka ay dhammaato, waxaase xusid mudan in dalka ay laba wefdi martida uu yihiin ee Madaxweynaha loo caleemasaarayo markii shannaad uu yahay dhexdhexaadiyaha labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu qabtay wada hadaladii u danbeeyay ee dhinacyadu ku kulmaan dalka Djibouti Jun 2020.

Burburka Shirka Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Ee Djibouti

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post