X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Iyo Isimada Dhaqanka Ee Gobolka Sool Oo Kulan Dhexmaray Iyo Arrimaha Lagaga Hadlay

Araweelo News Network

Laascaanood(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo Oo Ku guda jira socdaalkiisi Tabantaabo ayaa Habeenimadii Xalay ku hoyday Magaalo madaxda Sool, waxaanu kulamo muhiima la yeeshay madax dhaqameedka gobolka, iyadoo ay wehelinayaan gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo Masuuliyiin kala duwan.

Kulankan oo ahaa mid qiimo gaara u leh gobolka sool ayaa lagaga wada wadlay arrimo la xidhiidha abaarta baaxsan ee ku habsatay gobolada bariga Somaliland iyo arrinta amniga guud ee gobolka, waxaana halkaasi ka hadlay madaxda Isimada dhaqameed iyagoo ku dheeraaday xaalada baahsan ee abaarta iyo nabadgelyada gobolka.

Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa ka mid ahaa hadaladiisa “Waxan idinka mahadnaqayaa sida sharafta iyo qiimaha leh ee la noogu soo dhaweeyey gobolkan iyo magaaladan laascaanood, waxa aanu u soconaa in aanu xogogaal u noqono dalkayaga iyo dadkayaga wuxuu qabo in aanu ogaano ayaanu u soconaa, wararkiiniina waanu dhegaysanay aadna waanu u dhuuxnay waana ku cimro qaadanaynaa oo waxna aanu ku qaadanaynaa waana aanu qoranaynaa waana aanu ku talo gelaynaa, wixii aanu qaban karnana waanu qabanaynaa annagoo Alle talo saaranayna. Ilaahayna waxa aanu ka baryaynaa inuu abaaraha inaga jabiyo, nabadgelyadana inoo xoojiyo, dhibaatadana inaga korqaado, dalkana in badan waanu soo marnay in badana waanu mari doonaa. Waanad dhegeysateen masuuliyiintii xukuumadayda ee halkan ka hadlay gudoomiyaha xisbiguna uu ugu dambeeyey markaa dedaal ayey inoo tahay, wada shaqayn ayey inoo tahay in aynu meel uga soo wada jeesano danta qaranka iyo danta umada ayey, in aynu u adkaysano wixii dhib inagu yimaada ayey tahay in aynu meel uga soo wada jeesano Ilaahayna madar khayr qaba cirka haynaga siiyo”.

Kulankan ayaa noqonaaya kulankii ugu horeeyey ee Madaxweyne Somaliland ka socda ama Soomaaliba Soo maray uu goor habeenimo ah gobolka Sool gudihiisa inta uu u hoydo uu shirar la qaato qoorweynta ay talada dadka iyo gobolku ka godo, waxaanu shirkaasi ku dhamaaday mid is afgarad iyo wada shaqayn muuxda oo ay u balameen labada dhinac sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen waa xukuumada iyo Isimada dhaqanka soole.

Madaxweynuhu waxa uu guddida Abaaraha ku wareejiyey deeqo kala duwan oo isugu jira raashin, Lacag Cadaan ah, Biyo, Dhar kala duwan iyo Caws ama Bal ay gobolada galbeedku ugu deeqeen walaalahooda abaartu haleeshay, deeqdaas oo ay ka gudoomeen guddida abaaraha heer qaran, gudida gobolak Sool ee abaaraha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post