X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Iyo Guddoomiyaha WADDANI Oo Ka Hadlay Geerida Marxuum Axmed Cali Goodir

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka shacbiga Somaliland-ba waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timi Allaah ha u naxariistee marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) oo ku geeriyooday magaaladda Hargeysa taariikhdu markay ahayd 04/12/2016.
Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ruug caddaadiya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay dalka, ahaana siyaasi wax badan u soo joogay oo waayo-arag ah, shaqooyin iyo xilal kala duwanna ka soo qabtay dawladihii kala dambeeyey ee soo maray dalka ka mid ahaa Komishankii Doorashooyinkii ugu horreeyey ee Somaliland yeelato, waxaannu hadda ahaa La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dawladaha Hoose.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan ka siiyo.

TACSI
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Guddoomiyaha Golaja Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), isagoo ku haddlay magaciisa, ka mudanayaasha golaha iyo ka xisbiga waxa uu dhammabaal tacsi ah u dirrayaa siyaasiyiinta waxgaradka aqoonyahayn asxaabta, ehelada, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland isagoo ka tacsiyadanaya geeridii ku timmi Allaah ha u naxariistee marxuum Axmed Aadan Cali (Goodir) oo xalay (habeenkii Axadda) ku geeriyooday magaalada Hargeysa 04/12/2016.
Murrashax Cirro ayaa marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa marxuumku halyey dalkiisa iyo dadkiisa jecel, isla markaana ku dhaata Somaliland-nimada, isagoo ahaa xubnihii ugu horeeyey ee guddigii ugu horreeyey ee doorashooyinka qaranka Somaliland uu yeesho, waxa kale uu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo door weyn ka soo qaatay xaaladdii siyaasadeed ee dalka, waxaannu hadda hayey marxuumku xilka La-taliyaha Madaxweyne Siilaanyo ee Arrimaha Dawladaha Hoose.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ahna murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa wuxuu marxuumka Alle uga baryayaa in uu janadii Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland uu ka siiyo samir iyo iimaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post