X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Fariin U Diray Dawladda Ethiopia Kadib Xasuuq Ciidamada Liyuu Boolis U Geysteen Dad Sahacab Ah

Araweelo News Network
Hargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ugu baaqay dawladda Federaalka Itoobiya iyo maamulka Kililka Shanaad ee dalkaas inay ilaaliyaan nabadgelyada iyo hantida dadka rayidka ah ee dalkooda ku nool.
Warsaxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland shalay, waxa madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu uga damqaday dad badan oo ciidanka Itoobiya ku laayeen degmada Gaashaamo toddobaadkan.
“Madaxweynaha Somaliland waxa uu u soo jeediyey dawladda Federaalka ee Itoobiya iyo dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya in shacbiga la ilaaliyo nabadgelyada iyo hantidoodaba, isagoo dhinaca kalena ugu baaqay shacbiga degaannadaasi inay ka dambeeyaan, lana shaqeeyaan dawladdooda, waxgaradka iyo waayeelka degaankaasina ay dawladdooda kala shaqeeyaan sidii xaaladda loo dejin lahaa, amnigana loo sugi lahaa,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.
Waxa uu intaas ku daray, “Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu aad uga damqaday dhibaatadaasi soo gaadhay dadka shacabka ah, waxaannu ugu baaqay dadka degaankaasi inay is dejiyaan oo aanay marnaba ku tallaabsan dhibaato lagu saxo dhibaato.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa tacsi u diray qoysaska dad isugu jiray waayeel, carruur iyo haween oo lagu dilay dhibaato ka dhacday degaanka Jaamac Dubbad ee gegmada Gaashaamo ee Gobolka Jarar oo ka tirsan dawlad-degaanka Soomaalida ee Itoobiya.
Waxa madaxweynuhu Ilaahay uga baryey marxuumiintaas inuu jannatul-Fardawsa ka waraabiyo, qoysaska, ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post