X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Fariimo U Diray Bulshada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo xafiiskiisa fadhiya, Qasriga Madaxtooyadda, 23 April 2020, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii Cabdi, ayaa fariin u diray Shacbiga Somaliland, isagoo ugu bushaareeyay bilashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo la filayo inay bilato caawa oo ku beegan Jimce 24 April 2020.

Madaxweyne Biixi, yaa sidoo kale usoo jeediyay bulshada inay is cafiyaan, isla markaana ay dhegeystaan talooyinka guddida ka hor-tagga caabuqa COVID-19, iyo digniinaha dhakhaatiirta.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, kaas oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaan shacabka Somaliland meel ay joogaanba iyo guud ahaan ummadda Islaamka ku hambalyeeyay curashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo caawa curanaysa.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu shucuubta Islaamka iyo shacabka reer Somaliland-ba u rajeeyey inuu Eebbe ku sugo khayraadka iyo xasanaadka bishan barakaysani ay xambaarsan tahay, isaga oo u rajeeyey inay wanaag iyo khayr ku gaadhaan bishan bisheeda, Ilaahayna waxa aan ka rajaynayaa inuu inaga dulqaado xanuunadan aduunka safmareenka ku noqday ee saameeyey dunida, ummadda reer Somaliland iyo dalalka Islaamka ahna rabi ha siiyo bash-bash iyo barwaaqo ay ku gaadhaan sannadkan sannadkiisa, illaahayna waxaynu weydiisanaynaa dambi-dhaaf, adduunyo san iyo Aakhiro san inuu inagu simo, wixii dhibaatooyin ahna ummadda ka dul qaado”ayaa lagu yidhi, Fariinta Madaxweynaha.

Madaxweynuhu waxa uu ummadda reer Somaliland kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan khayrka bishan, kuna dadaalaan cibaaddada, islamarkaana ay noqdaan kuwo dhexdooda ay gasho cafis, iyo is-jacayl, wuxuuna Madaxweynuhu ku adkeeyay bulshada inay qaataan amarada guddida heer qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka-hor-tagga xannuunka COVID-19 iyo talooyinka caafimaadka.

Gebagebadii  Madaxweynuhu, wuxuu Allah uga rajeeyay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland inay bishan bisheeda ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post