X

Madaxweynaha Somaliland Biixi Oo Farriin U Diray Maamulka Soomaaliya iyo mucaaradkooda

he President of the Republic of Somaliland, Muse Bihi Abdi, Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somaliland Biixi Oo Farriin U Diray Maamulka Soomaaliya iyo mucaaradkooda

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay maamulka ka taliya magaalada Muqdisho iyo xubnaha mucaaridka ahba inay faraha kala baxaan arrimaha masiiriga ah ee Somaliland, isaga oo farriimona u diray shaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee halkaas xilalka u doonanaya.

 

Madaxweynuhu waxa uu gef iyo deelqaaf cad ku tilmaamay in madaxda iyo mucaaridka Muqdisho isku raacsan yihiin in dad Banaadir ka dhex xoogsada lagu ay noqdaan Baarlamaan metela dadka reer Somaliland,“Midowga mucaaridka ah ee muqdisho jooga iyo madaxweynahooda iyo gobolladooda mid baan u dirayaa, haddii aynnu soomaali nahay, derisna nahay, dadna aynu isugu xigno danteennaa is diiday oo laba dawladood inaga dhigtaye col ma nihine, mid baan meesha qabanin, markaad dhammaantiin isku raacsan tihiin Baarlamaanka Somaliland kasoo jeedaa Xamar laga dhex dooranayaa, markaad eregayaas leedihiin miisaanka uu leeyahay iyo meel-ka-dhaca uu leeyahay waad garanaysaane maxaad Somaliland ugu quudhaysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in dhaqsiyaadka Somaliland kasoo jeeda ee Xamar dhex joogaa kaliya halkaas u joogaan inay kasoo shaqaystaan, xoolahooda iyo maalka ay soo helaanna ay Somaliland kula soo noqdaan, waxana uu yidhi, “Halkanba Jaaliyad reer Soomaaliya ahi way joogtaa, laakiin arrimaha siyaasadda Somaliland masoo galaan, sababta aad qaranka Somaliland oo aad ogtihiin inaynu soddon sano kala maqnayn, kuwa tegeyna ee shaqo-tegeyna waxa ay lamid yihiin jaaliyadda Kiiniya joogta, ta Addis Ababa joogta, ta Jabuuti joogta iyo ta London joogta, haddii ay ka shaqaysanayaanna dalkooda uun bay usoo shaqaysanayaan, kuwaada ugu waaweyn ee ugu shaqada badanina, iyaga oo halkaas (Muqdisho) jooga oo Baarlamaan iyo wasiir baannu nahay leh bay halkanna (Somaliland) daaraha kasoo dhistaan.”

 

Madaxweynuhu waxa uu farriin gaar ah u diray shaqsiyaadka Xamar kaga qudhaabta magaca Somaliland, isaga oo u caddeeyey inaanay halkaas cidna ku metelin, “Waxa idinka sii liita dadka waaweyn ee Somaliland ee halkaas dani ka gashay ee u shaqo tegay waxay doonaanba ha noqdaane ee wax ku doonaya Xamar hallanaga doorto Baarlamaan baannu noqonaynaaye, arrintaasna waxan leeyahay ma geynee xumaan iyo nac uun baad sii abuuraysaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post