X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo Oo Ka Qaybgalay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Maxamuud (Dhool-dahable) Oo Ka Mid Ahaa Odayaasha Usoo Halgamay Qaranka

Araweelo News Network

aas qaran


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable) oo ka mid ahaa Odayaasha iyo waxgaradka Somaliland ee kasoo qayb qaatay halgankii iyo dib u dhiskii dalka.

aaska


Marxuumka oo lagu aasay Magaalada Hargeysa, waxa aaskiisa ka qaybgalay masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda, xisbiyada qaranka iyo dadweyne tiro badan. marxuumka ayaa mudooyinkii u danbeeyay u jiifay xanuun, kaas oo ugu danbayntii uu u geeriyooday.

Madaxweynaha qaranka Somaliland waxa uu marxuumka ku sifeeyey Oday ku suntan taariikhda qaranka Somaliland, door muhiimana ka soo qaatay halganadii kala duwanaa ee dalka loo soo maray, ahaana shaqsi ay ku dheehan tahay dadnimo, karti iyo cibaado saalixa, dadkana isu soo jiida.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Xuseen Aadan Cige (Deyr) oo ah Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Dhinaca kalena, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay shaqsiyada Allah ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), oo maanta laga aasay Magaalada Hargeysa.

Aaaska Marxuunka oo uu ka qayb galay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo iyo xubno wasiiro ah oo uu ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

Mudane Xaashi oo warbaahinta la hadlay, ayaa yidhi “Geeridu waa xaq, waxa aynu nahay addoomo ILAAHAY, dhamaanteenba waynu geeriyoonaynaa, waxaynu maanta joognaa aaskii walaalkeen Marxuum Maxamuud Axmed Xirsi (Dhool-dahable), ILAAHAY (SWT) ha u naxariisto. Walaalkeen Maxamuud geerida ku timid waxaanu ka tacsiyadaynaynaa qoyskii, qaraabadii, ehelkii iyo dhamaan qaranka Somaliland, waa nin weyn oo qarankan ka baxay, waa nin ku suntan halgankii, nabadayntii iyo dib u dhiskii dalkan, Maxamuud waxa uu ahaa nin wayn oo culus, waxa uu ahaa garab weyn oo inaga baxay.”

“ Marxuum Maxamuud waxa uu ahaa nin caan ku ah mab’da adayg, run, daacadnimo, hawl karnimo dad yaqaan, dhul yaqaan, wuxuu ahaa shaqsiyad aad u qiimo badan oo aan laga faaloon karin si sahlo ah. Marxuunka Maxamuud Dhool-dahable Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Siilaanyo Saaxiib weyn ahayd ahaayeen. ILAHAY Samir iyo iimaan ha inaga siiyo, isagana ha u naxariisto, inaga cibro ayaa inoogu sugan geeridiisa. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN” Ayuu Yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post