Araweelo News Network

xasansheekhooufoororsadayAnkara(ANN)Madaxweynaha Dawlada Federaalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa markii u horaysay shaaciyay tirada askarta Kenya kaga dhimatay weerrarkii dhowaan Al-shabaab ku qaadeen Xerada Ceel-Cadde.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud, oo u waramay telefishin Soomaali ah wuxuu difaacay booqashadii uu dhawaan ku tagay Kenya oo uu uga tacsiyeeyey askartii ka dhimatay, Iyadoo illaa iyo hadda aanay dawlada Kenya iyo Xarakada Al-Shabaab ka hadalin tirada rasmiga ah ee ciidamada Kenya laga dilay iyo maxaabiista laga qabsaday.

Hase yeeshee Madaxweyaha Somalia Xassan Sheekh, ayaa shaaca ka qaaday in laga dilay Kenya askar kor u dhaafeysa 180 ilaa 200, wuxuuna mar la weydiiyay sababta keentay in Kenya uu tacsi u tago islamarkaana uu garab maro shacabka Soomaaliyeed ee ay isla ciidamada dalkaasi xasuuqa u geysteen iyo sidoo kale iyadoo dad shacab ah lagu laayay deegaanka xeebta Jaziira.

Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu ku dooday in Kenya ay mudan tahay arrintaas isagoo yidhi, “Kenya waxaa laga dilay boqol iyo sideetan iyo jarjar ama wax ku dhow laba boqol oo u yimi somalia inay nabad ka dhaliyaan, mar walba sida aad jeceshahay, ama sidaad rabto wax uma dhacayaan ee maxaan sameyn lahaa haddaan sidaa yeelin” ayuu yidhi Xassan Sheekh Madaxweynaha Somalia oo ka jawaabayay dhaliilo looga jeediyay sida uu ugu foororsaday tacsi loo samaynayay askarta Kenya ee Al-shabaab ku xasuuqeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo iyo ka qaygalka arrintaa kusoo beegantay xili weerraro ka dhaceen deegaanka iyo Xeebta Jaziira.

Weerrarkaa oo bishii hore ka dhacay saldhiga Ciidamada Kenya ku lahaayeen tuulada Ceel-cadde ee gobolka Gedo, waxa la rumeysan yahay inuu ahaa weerrarkii ugu xumaa ee lagu qaaday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya jooga, inkastoo aan tiro rasmi ah laga hayn ciidamadii Kenya kaga dhintay weerrarka.

Dhinaca kale Wariyaha BBC ee arrimaha nabadsugidda Tomi Olidepo, ayaa sheegay inkastoo uu dhibaato weyn geystay weerrarkii Ceel-Cadde, haddana wuxuu ceeb weyn ku noqday dawladda Kenya oo ka aamustay in ay sheegto tirada askartii ka dhimatay, kaas oo aan ahayn weerrarkii ugu horeeyay ee Al-shabaab ku qaado xero ay degan yihiin ciidamada Nabad Ilaalinta, balse waxay sidan oo kale hore ugu weerareen Ciidamada Burindi iyo Uganda oo ay khasaare weyn gaadhsiiyeen.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347