X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somalia Oo Taageero U Doontay Ethiopia Kadib Khilaafka Raysal wasaarihiisa Oo Cirka Ku Shareermay


Adis-ababa(ANN) Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaadhay Caasimada dalka Ethiopia ee Adis-ababa, iyadoo aan la shaacin ujeedada dhabta ah ee safarkisa, balse warar dhinaca Dublamaasiyada ah oo ay heshay shebekada Araweelo News Network, ayaa sheegaya in ujeedada safarka Madaxweyne Xasan Sheekh la xidhiidho sidii uu taageero uga heli lahaa Dawlada Ethiopia. Kadib khilaafka cirka isku shareeray ee u dhexeeya isaga iyo raysal wasaare Cabdiweli.
Madaxweyne Xasan iyo raysal wasaare Cabdiweli, ayaa khilaafkoodu gaadhay meel adag, iyadoo waqtigan Baarlamaanka loo gudbiyay Mooshin ka dhan ah raysal wasaaraha, balse koox xildhibaano oo kasoo horjeeda siyaasada Xasan sheekh, ayaa doonaya in haddii Baarlamaanka la keeno mooshin ka dhan ah Raysal wasaaraha, ay dhinacooda keeni doonaan mid lagaga takhalusayo Xasan Sheekh, ama aanay kala hadhayn Madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu oo ay is raacinayaan.
Socdaalka Madaxweyne Xasan oo kusoo beegmay xili uu khilaafka u dhexeeya raysal wasaaraha meel adag gaadhay, ayaa sidoo kale lala xidhiidhiyay mid taageerada Xasan doonayo ee dhinaca Adis-abab aanay ku xidhnayn oo keliya Xukuumadda Ethiopia ee uu doonayo in shirka Madaxda IGAD ee lagu qabanyo Caasimada Ethiopia uu hogaamiyayaasha Urur Goboleedka IGAD eek a qaybgelaya taageero kaga doonayo iyo sidii isaga iyo raysal wasaare cabdiweli loo kala reebi lahaa.
Ergayga qaramada Midoobay ee Somalia, ayaa wararka qaar sheegayaan inuu la saftay raysal waasaraha, isla markaana uu doonayo in meesha laga saaro kooxda Daamul jadiid ee awooda ugu baddan ku leh xukuumadda Xasan Sheekh, kuwaas oo dhowaan markii uu taabtay raysal wasaare cabdiweli laga raacay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post