Araweelo News Network
Mogadishu(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa qiray sida ay Al-shabaab uga guulaysatay dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ee taageera.
Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu ka hadlayay Telefeshinka afka somaaliga ku hadla ee Somali Cable, wuxuuna ku dooda in xoogaga Al Shabab ay dhiig bixiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka, isagoo yidhi, “waxa aan ku jirnaa waa dagaal marmarka qaar waxaa dhacda in lagaa adkaado, anaga lixdii bilood ee lasoo dhaafay meelaha qaar dagaalka waa noogala adkaaday”ayuu yidhi Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhawaaqa Madaxweynaha Somalia, wuxuu kusoo beegmay xilli Al-shabaab weerrraro xidhiidh ah ku qaadeen xarumaha dawlada Somalia iyo xeryaha ciidamada AMISIOM, kuwaasoo khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba sababay.
Sidoo kale dhawaaqa Hoggaamiyaha dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya in markii ugu horraysay uu qiray in lixdii bilood ee lasoo dhaafay lagaga adkaaday dagaallo ka dhacay Koonfurta iyo badhtamaha dalka soomaaliya.
Iyadoo weerrarkii Bishii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceel-cadde ee wilaayada Gedo ay Al-shabaab ciidamada Kenya ku xasuuqeen uu sababtay in ciidamada Kenya isaga baxaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan wilaayaadka Jubbooyinka iyo Gedo, taas oo fursad u siisay Al-shabaab inay dib u qabsadaan deegaamo cusub, waxayna arrintan weji gabax ku tahay in ka badan 22,000 oo ciidamada AMISOM ee Somalia u jooga nabad ilaalinta, kuwaas oo aan waxba ka bedlin xaalada amaanka Somalia oo u muuqatamid faraha kasii baxay.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347