X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somalia Oo Ka Degey Dhuusa – Mareeb Oo Lagu Muransanyahay Halka Lagu Qabanayo Shirka Maamul Goboleedka

Dhuusa-Mareeb(ANN) Madaxweynaha Dowelada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnbo katirsan Dowlada ayaa galabta gaadhay magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ujeedad safarkiisu la xidhiidho sidii xal loogu heli lahaa muran ka aloosan deegaankaa oo la xidhiidha halka lagu qabanayo shirka maamul goboleedka loogu samaynayo gobolada dhexe, iyadoo laysku khilaafsan yahay in shirka lagu qabto Cadaaddo iyo in lagu qabto Dhuusa-mareeb.
Magaalada Dhuusa-mareeb, waxa waqtugan ka socda Shirka Odayaasha dhaqanka, waxaana la filayaa in uu halkaasi kula kulmo Madaxwenaha waxgaradka Shirka uga socday halkaasi, kuwaas oo laga sugayo inay go’aan midaysan kasoo saaraan goobta shirku ka dhacayo.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa la filayaa inuu si rasmi ah ugu dhawaaqo in Magaalada Cadaado lagu qaban doono shirka Maamul u sameynta Gobolada Dhaxe, ama Dhuusa-mareeb. Kadib marka uu dhegeysto go’aanka Odayaasha, sidoo kale la filayaa in markaa ka dib la shaaciyo waqtiga rasmiga ah uu shirkaasi furmayo.

Safarka Madaxweynaha ee Dhuusa-mareeb , waxa ku weheliya Wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo katirsan Dowlada, Sarakiil Ciidan, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u booqday deegaanka kadib markii muran dadka deegaanka ah oo la xidhiidha goobta lagu qabanayo shirka maamul u samaynta gobolada dhexe, balse wax natiijo ah lagama gaadhin waqtigaa, iyadoo soo jeedinta Madaxweynaha ay ku gacan saydheen dadka deegaanka Dhuusa-mareeb.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post