X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Somalia Oo Gaadhay Garoowe Iyo Ujeedada Booqashadiisa

Garoowe(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaadhay xarunta Maamul Goboleedka Somalia ee Puntland, waxaana maanta kusoo dhoweeyay Magaalada Garoowe Madaxda Maamul goboleedka Puntland.


Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in ujeedada booqashadiisa Garoowe ee maamul goboleedka Puntland ay la xidhiidho shirka Maamul goboleedyada oo la filayo in maalinta beri uu ka firmo halkaa, wuxuuna xusay in ka hor inta aan la gaadhin shirka uu doonayo inuu maamul goboleedka Puntland kala hadlo arrimo la xidhiidha Nidaamka Federaalka iyo tabashooyin ay Puuntland ka tirsanayso dawlada Federaalka ee uu madaxda u yahay.

Dhinaca kale masuuliyiin ka socota Maamul goboleedyada Jubba ee Kismaayo iyo Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa la filayaa inay maalinta beri gaadhaan Garoowe, kuwaas oo ka qaybgelaya shirka Maamul goboleedyada iyo dawlada Federaalk ah oo sadex bilood ka hor lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in lagaga hadlo arrimo la xidhiidha dhamaystirka nidaamka Federaalka iyo maamul goboleedyada Somalia loo samaynayo.
Madaxweynaha Somalia, ayaa la geeyay guriga Madaxtooyada Puntland oo amaankiisa aad loo adakeeyay, iyadoo todobaadyadii lasoo dhaafay qarax ka dhacay Garoowe oo khasaare dhaliyay lala beegsaday shaqaalaha Hay’adda Qaramada Midoobay ee ku sugan Garoowe.

Booqashada Madaxweynaha Somalia ee Garoowe, waxay kusoo beegantay, iyadoo horaantii bishan April 2015, uu magaalada Garoowe booqday Raysal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid, isla markaana heshiis la xidhiidha arrimaha Federaalka la saxeexday Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post