X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Ruushka Mr. Putin Oo Saxeexay In Dalkiisu Ka Baxo Xubinimadii Maxkamadda Caalamiga Ah Ee ICC

Araweelo News Network

Moscow(ANN) Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa saxeexay xeer dalkiisa u saamaxaya inuu ka boxo Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada (ICC).

Ruushka, ayaa wax ka saxeexay heshiiskii lagu unkay maxkamaddaas oo fadhigeedu yahay magaalada The Hague, sannadkii 2000, laakin marnaba dalka Ruushku ma meel marin heshiiskaa.

Horraantii todobaadkan, ayaa dacwad ooge ka tirsan maxkamadda ICC , wuxuu soo saaray warbixin ku saabsan ku darsamiddii uu gobolka Crimea ku darsamay Ruushka, ka dib dagaal dhex maray Ruushka iyo Ukraine, iyadoo Ruushka loo arkay inuu duullaanka soo qaaday dalkaas.

Sharciyadda maxkamadda ICC, ayaa salka ku haya Afar rukun oo ah dambiyada caalamiga ah, waxayna kala yihiin xasuuq, dambiyada ka dhanka ka ah bani’aadminimada, dambiyada dagaalka, iyo dambiyada duullaanka ee qabsashada, ama weerrarada dal kale lagu qaado.
Dhammaad

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post