Araweelo News Network

putinMoscow(ANN) Madaxweynaha Dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa saxeexay xeer dalkiisa u saamaxaya inuu ka boxo Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada (ICC).

Ruushka, ayaa wax ka saxeexay heshiiskii lagu unkay maxkamaddaas oo fadhigeedu yahay magaalada The Hague, sannadkii 2000, laakin marnaba dalka Ruushku ma meel marin heshiiskaa.

Horraantii todobaadkan, ayaa dacwad ooge ka tirsan maxkamadda ICC , wuxuu soo saaray warbixin ku saabsan ku darsamiddii uu gobolka Crimea ku darsamay Ruushka, ka dib dagaal dhex maray Ruushka iyo Ukraine, iyadoo Ruushka loo arkay inuu duullaanka soo qaaday dalkaas.

Sharciyadda maxkamadda ICC, ayaa salka ku haya Afar rukun oo ah dambiyada caalamiga ah, waxayna kala yihiin xasuuq, dambiyada ka dhanka ka ah bani’aadminimada, dambiyada dagaalka, iyo dambiyada duullaanka ee qabsashada, ama weerrarada dal kale lagu qaado.
Dhammaad