X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Puntland Oo Amaanay Jamhuuriyadda Somaliland

Saciid Cabdullahi Maxamed

Boosaaso(ANN)-Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amaanay nabadgelyada iyo xasiloonida ka jirta Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo sheegay in dawladdaha qaar dadkooda yidhaahdaan Soomaaliya ma tegi kartaan , laakiin Somaliland waa tegi kartaan.


Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, waxa uu sidaa ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad uu kaga hadlayay mashaariic uu sheegay in laga fulinayo magaalada Boosaaso, kuwaas oo uu sheegay in Dawladda Imaaraadku fulinayso.


Siciid Deni, waxa uu ku cannaantay ganacsatada Puntland in aanay fahmin ganacsiga casriga ah ee dunida, isagoo sheegay in dad ganacsato ah oo u dhashay Puntland ay diidaan inay sharciga u hoggaansamaan, balse marka ay dalal kale tagaan ay ku dhaqmaan sharciga.


Sidaa awgeed, wuxuu ugu baaqay ganacsatada ay ka shaqeeyaan sidii magaalada Boosaaso horumar loogu samayn lahaa, isagoo xusay in shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadku garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso ka dhigayso garoon Caalami ah.

Hase yeeshee, wuxuu canaantay doorka loo baahanyahay ee dhianac amniga iyo maalgashiga, wuxuuna tusaale usoo qaatay horrumarka iyo nabadgelyada Somaliland, isagoo yidhi, “Dawladdaha qaar ayaa dadkooda ku yidhaahda Somaliland waa tegi kartaan ee Soomaaliya ma tegi kartaan, sababtoo ah Somaliland dadkeeda iyo dawladooda ayaa ka dhigay meel amaan ah, waa dad jecel nabadgelyada, markaa waxa loo baahanyahay in amaanka iyo horrumarka laga shaqeeyo.” ayuu yidhi, Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxa marar badan dagaalo ku dhexmareen xadka ay Somaliland la wadaagto Soomaaliya ,balse waxa xukuumadda Somaliland ugu baaqday in laga digtaanado wixii keenaya dagaal, iyadoo Somaliland in aanay dagaal iyo colaad diyaar u ahayn, balse ay doonayso inay xudeedeheeda sugto si ay xasiloonideeda u sugto.

Dhawaaqa xilligan ee Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo ah mid uu dadka reer Puntland ku guubaaninayo, ayaa noqonaya kii ugu horeeyay hoggaamiye Puntland si badheedh ugu qiro xaqiiqda nabada iyo horrumarka ka jira Somaliland, wuxuuna u muuqdaa mid wax ka beddei kara khilaafkii iyo murankii marar baddan dhexmaray Somaliland iyo Puntland ee sababay dhiiga daata iyo colaadii muranka xadka ee u dheeeyay Somaliland iyo Soomaaliya.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post