X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Oo Sheegay In Aanay Tacliinta Iyo Caafimaadku Noqonayn Wax Laga Ganacsado

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay ka ganacsiga Tacliinta Iyo Caafimaadka Dalka, 15 Jun 2019. Araweelo News Network

“maaha in toban qof dadka lagu jaah-wareeriyo oo la yidhaahdo gaadhi ayaa la siinayaa iyo dakham dahab ah ayaa la siinaya, wax la aqbali karona maaha” Madaxweyne Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dardaaran u jeediyay Ardayda ka qaybgelay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiyada oo saaka dalka ka furmay, wuxuuna ku waanaiyay inay kalsooni ku qabaan naftooda oo aany isku mashquulin haddii ay wax seegaan.

Madaxweyne Biixi oo daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare ee Dalka

Madaxweyne Biixi oo daah-furay qaybinta imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada siddeedaad ee dugsiyada dhexe iyo kuwa Afraad ee dugsiyada sare, ayaa sheegay inay xukuumad ahaan joojiyeen in laga ganacsado Tacliinta, isagoo xusay inay ka ganacsiga Caafimaadkna joojinayaan xukuumad ahaan oo ay dhowaan dib u baadheen dhakhaatiirta Ajaanibka ah ee dalka ka shaqaynsa, isla markaana ay ogaadeen in 60% aanay haysan shahaadada Diploma dhakhtarnimo ee ay haystaan (Medicine and management)oo ay dhakhtara  inoo furteen. Sidaa awgeed Madaxweynuhu wuxuu balanqaaday inay Tacliinta dib u eegayaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay ka ganacsiga Tacliinta Iyo Caafimaadka Dalka, 15 Jun 2019. Araweelo News Network

Madaxweynaha oo ah maanta u daah-furay Imtixaanaadka Dugsiyada Dalka, wuxuu sidoo kale sheegay in xukuumaddiisu ogaatay in sababta ay Dusgiyada gaarka loo leeyahay mar walba u galaan kaalmaha hore ee Imtixaanaadka dalka sannadii u danbeeyay, isagoo yidhi, “Waxa Imxitaanka 1300 dhalinayardii shaqo qaran oo aan ahayn kuwo eex iyo cadaalad-daro lagu arkayn ayaa ilaalinaya, waxaanu ogaanay in Iskuul walba Lixda bilood ee u danbaysa 10 Arday meel gaar ah ku xereeyaan  oo lacag badan ku bixiyaan oo Macalimiin gaar ah u qabtaan oo baraan ilaa heer jamacadeed, kadibna sidaa kusoo galaan iyagoo ka duwan qaranka oo dhan, markaa maaha in toban qof dadka lagu jaah-wareeriyo oo la yidhaahdo gaadhi ayaa la siinayaa iyo dakham dahab ah ayaa la siinaya, wax la aqbali karona maaha, waa baayacmushtar ee ma ahayn Ardaydu waxay shaqayteen mana aqbalayno, inka faqiirka ah iyo inanka taajirka ah way u siman yihiin Imtixaanaadka” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Bixii.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post