Araweelo News Network

silanyolast
Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku hambalyeeyey shacabka Somaliland curashada sannadka cusub ee 2017 oo bilow ah Axadda maanta.
Sida lagu sheegay qoraal hambalyo ah oo ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland xalay, waxa Madaxweyne Siilaanyo rajeeyey in sannadkan cusub noqdo mid nabadgelyo u horseeda bulshada reer Somaliland iyo caalamka oo dhan, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu hammbalyo iyo salaan ku saabsan munaasabadda sannadka cusub ee 2017-ka u dirayaa dhammaanba Shacbiweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudo iyo dibedaba, Munaasabada sannadka cusub oo ka mid ah munaasabadaha fasaxa Qaran awgeed.
Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah hambalyo iyo salaan ugu dirayaa dhammaanba shaqaalaha kala duwan ee Dawladda, qaybaha Ciidammada Qalabka sida, Goleyaasha Qaranka iyo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay ku nool yihiinba, kagana jiraan hawlaha qaranka ee ay ka nasanayaan curashada sannadka cusub ee ku beegan maalinimada Axadda (maanta) oo ay taariikhdu noqonayso 01/01/2017.
Madaxweynuhu waxa Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland uu Ilaahay uga baryayaa inay sannadka 2017-ka, kiisa kale inagu gaadhsiiyo nabadgelyo, barwaaqo iyo horumar. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, wuxuu shucuubta bulshada caalamka iyo kuwa Somaliland-ba u rajaynayaa in sannadka 2017-ku uu noqdo kii ula kowsada nabadgelyo iyo xasilooni taam ah.
Ugu danbayna, Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale u ducaynayaa shaqaale weynaha aanu caafimaadku u saamixin inay caafimaad-qab ku gaadhan curashada sannadkan cusub bilowgiisa, waxaanu ugu ducaynayaa Madaxweynuhu shaqaalahaasi iyo muslimiinta kaleba in uu caafimaad taama siiyo, kana dulqaado xannuunka, sannadka sannadkiisana ku gaadhaan caafimaad,” ayaa lagu yidhi qoraalka uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Mr. Xuseen Aadan Cige (Dayr).