X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Dhakhtarkii Caanka Ku Ahaa Xanuunka Dhimirka Axmed Jaamac Samatar Dr. WHO Oo Geeriyooday

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allah ha u naxariistee Marxuum  Dr Axmed Jaamac Samatar oo ku magacdheeraa (Dr WHO) oo  maanta ku geeriyooday Magaalada Gebilay .

Marxuumka oo ahaa Dhakhtar caan ka ahaa dhulka Soomaalida, isla markaana xilal kasoo qabtay Xuukuumaddii horre ee Somaliland, wuxuu ahaa Dhakhtar ku xeel dheer xanuunada dhimirka, wuxuuna xiliyada qaar ka hawlgeli jiray Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Geerida Marxuumka, wax aka hadlay Madaxweynaha Somaliland, waxaana dhanbaal tacsi ah oo kasoo baxay caawa qasriga Madaxtooyadda lagu yidhi, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa bahda caafimaadka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Axmed Jaamac Samatar (Dr WHO) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 14/01/2019, Magaalada Gabiley. “

Dhanbaalka Tacsida ee Madaxweyne Muuse Biixi kaga hadlay geerida Allah ha u naxariistee Marxuum  Dr Axmed Jaamac Samatar oo ku magacdheeraa (Dr WHO), wuxuu ku siyeeyay halyay ka baxay qaranka Somaliland, wuxuuna lagu yidhi dhanbaalka sidan:-

“Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey rukun ka baxay bahda caafimaadka, aqoonyahanka iyo siyaasinta Jamhuuriyadda somaliland, door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii, dib-u-dhiskii dalka iyo dedaaladii loogu jiray horumarinta arrimaha bulshada ee uu caafimaadku ugu horeeyo oo uu marxuumku ku lahaa door muuqda oo aan la hilmaami karin, isagoo xilal kala duwanna ka soo qabtay qaranka uguna danbeeyey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee wakhtigii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.”

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Allah uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo bahda caafimaadka, siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. “ ayaa lagu dhamnaalkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post