X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Oo Cafis U Fidiyey Maxaabiista Jeelka Boorama Ee Xeerka Waafaqsan Iyo Wasiirka Madaxtooyada Oo Ka Hadlay

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Siilaanyo uu cafis u fidiyey maxaabiista ku jira jeelka dhexe ee magaalada Boorama, marka laga reebo kuwa u xidhan xaq dad bani’aadan ah ku leeyihiin.
“Madaxweynaha Qaranka markii warbixintaasi soo gaadhay wuxuu go’aansaday in xabsigan sidii xabsiga Burco oo kale uu sameeyey inuu cafiyo dhammaan wixii maxaabiis ah ee aan u xidhnayey xaq bani’aadam, madaxweynaha qaranku xaq uma laha oo ma cafiyi karro wixii xaq bani’adam u xidhan, haddii uu cid dilay, iyo haddii uu cid dhacay-ba, wixii dunuub fudud qaranka ka galay ayuu go’aansaday inuu cafiyo, beri ilaa saa’dambe ayaa la sii dayn doonaa, sidoo kale dhismihii Jeelka cusubina waa socdaa,” ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadu.
Waxa kaloo uu ka hadlay safarka ay ku tageen magaalada Boorama ee Gobolka Awdal, waxaannu yidhi; “Socdaalka aannu gobolka Awdal ku nimid marka laga yimaado kormeerka cisbitaalka guud iyo xaalada shuban-biyaadka, waxa ka mid ahaa in aannu u kuur-galno xaaladda xabsiga dhaexe ee gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Boorama in aanu eegno, oo war bixin laga soo gaadhsiiyey madaxweynaha qaranka, oo taliyaha ciidanka Asluubtu uu u keenay oo ah in maxaabiistii ku badatay, guud ahaana jeelasha aynu haysnaa waa kuwo la dhisay xiligii Ingiriiska intii xukuumadda xisbiga KULMIYE tallada haysayna waxaannu dhisnay Jeelashii ugu badnaa, marka laga yimaao kuwaa ay dawladda Ingiiirsku dhistay, qaarna waanu ballaadhinay.”
Waxaannu intaas ku daray; “Magaallada Boorama waxaannu gacanta ku haynaa xabsi cusub oo weyn oo beddeli doona kan, waayo xabsiyada waxa loo sameeyaa in dadka dambiyada lagaga gooyo, lagu dhaqan celiyo, laguna xannaaneeyo, in lagu laayo oo ay ku dhintaan dawladuhu uguma tallo galaan.”
Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in tirada maxaabiista korodhay ee dalku ay tilmaan u tahay in danbiyada ka dhacay dalku badanayaan, waxaannu yidhi; “Xabsigan iyo kuwa kale ee dalkaba waxa ku soo kordhay maxaabiis badan, waayo dunnuubtii ayaa kordhaysa, waana meesha loogu tallo-galay in dadka dambiyada lagaga reebo oo dhaqan-celin loogu sameeyo, markaa xabsigan tiro badan ilaa 190 qof ah ayaa ku xidhan, shan ka mid ah waxa ku dhacay xannuunkii shuban biyoodka, cusbitaalka ayaa la geeyey, may dhiman Alle mahaddii si fiican ayey u soo kabanayaan,” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post