X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Nigeria Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Dhaleecayn Kaga Timi Marwadiisa Oo Doonay Inay Xukunka Gacanta Lasoo Gasho

Madaxweynaha Nigeria, Muhammadu Buhari iyo marwadisia Image File Araweelo News Network.

Araweelo News Network

Abuja (ANN)Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhamadu Buhari, ayaa ayaa jawaab kulul ka bixiyay dhaleecayn kaa timid xaaskiisa oo la xidhiidha qaabka ay u dhisantahay xukuumaddiisu, ”Xaaskeyga waa inay ku ekaato howlaha jikada, ama Madbakha iyo Qolka Jiifka ”.

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhamadu Buhari, wuxuu jawaabtaa bixiyay, Isagoo booqasho ku jooga dalka Jarmalka oo ay dhinac taagantahay haweenayda Angela Marke ee Jarmalka”Ma garanayo xisbiga ay xaaskeyga ka tirsan tahay, balse waxaan ogahay inay ka tirsan tahay jikadeyda, fadhigeyga iyo qolkeyga kale”.

Mr. Muhamadu Buhari, wuxuu jawaabtaa bixiyay, Isagoo dhoola-caddaynaya, wuxuuna hadalkiisa sii raaciyay inuu xaaskiisa iyo mucaraadkaba ka khibrad badan yahay maadama uu u soo tartmay madaxtinnimada dalka seddax jeer markii afaraadna uu guuleystay.

Wuxuu ka barbar hadlayay haweeneyda malaha ugu awooda badan dunida ahna hogaamiyaha Jarmalka Angela Markel. Waxaa la sheegay inay jaleecday dhiniciisa markii uu hadalkaasi ku dhawaaqayay.

Xaaska Madaxweyne Buhari ayaa hore u sheegtay in aanay taageri doonin saygeeyda mar dambe haddii aanu isbadal ku samayn qaab dhismeedka dowladiisa.

Marwada Madaxweynaha Naigeria Marwo Caasha ayaa intaasi raacisay kaliya inay taageeri doonto madaxweyne Buhari haddii uu isbadal muuqda ka sameeyo dalka Nigeria.

Caasha Buhari ayaa sheegtay in madaxweynaha uu xilal u magacaabay shakhsiyaad aan aaminsanayn afkaarta xisbiga talada haya ee APC, iyadoo ku dooday in dadka xukuumadda uu ka qaybgeliyay Seygeedu aanay ahayn kuwii xaqa u lahaa ee usoo halgamay.

Caasho Buhari ayaa u sheegtay saygeeda inay tahay inuu wax ka dhagaysto taagerayaashiisii soo garab istaagay xiligii lagu jiray olalaha doorashada.

Weriye ka tirsan BBC-da oo ku sugan Abuja ayaa sheegaya in xaaska Madaxweynaha Nigeria u muuqato inay u hadleysay dad taageersan madaxweyne Muxamadu Buhari oo filayay in xilal loo magacaabi doono ka dib markii la doortay madaxweynaha balse aan xilalkaasi helin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post