X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Najeeriya Oo Maxaabiista Xabsiyada Dalkiisa ku Jira Jaamacaddaha Bilaash Uga Dhigay

Araweelo News Network
Abuja(ANN)Madaxweynaha dalka Najeeriya Mr. Buhari iyo Golaha Jaamacadda ee Noun (National Open University of Nigeria), ayaa isku raacay heshiis maxaabiista xabsiyada ku jira u dammaanad qaadaya in ay bilaash ku dhigan karaan amma tacliintooda heer jaamacadeed sii wadan karaan, iyadoo ay arrintaasna u fulin doonto Jaamacadda la yidhaah Noun.
Qorshan wax lagu barayo dadka maxaabiista ah oo dalka oo dhan laga fulin doono, iyadoo Agaasimaha Warbaahinta iyo Faafinta ee Golaha Jaamacaddaas Mr. Nijeeriy Ibraahim Shame uu sheegay in looga faa’iidayn doono maxaabiista ugu badan ee dalka ku xidhan, isla markaana ay tahay markii ugu horraysay ee Nayjeeriya laga hirgeliyo mashruucaas,
“Si culayska iyo dhibaatada looga qaado maxaabiista, waxna loo baro, waxa ay arki doonaan dhaqaaqa golaha jaamacaduhu sameeyo. Waxaana la siin doonaa maxaabiista xirfado iyo aqoon ay xaqa u leeyihiin, maadaama Golaha NOUN masuul ka yihiin kor u qaadida tacliinta muwaadiniinta,’ ayuu yidhi Ibraahim.
Sidoo kale, war-murtiyeed uu saxeexay Madaxweynaha Nayjeeriya, ayaa lagu sheegay in dadka qurbo-jooga ah ee dalkaas u dhashay loo fidin doono waxbarasho ay internet-ka ka dhigtaan, waxaannu mashruucan noqonayaa kii ugu horreeyey ee dal galbeedka Afrika ah ballanqaado, waxaannay tacliintan sare ee bilaashka ah fursad siinaysaa arday aad u badan in ay helaan xaqa waxbarasho.
Golaha Jaamacadda furan ee Nijeeriya (National Open University) waxa la aasaasay 22 July, 1983-kii, waxaanay fidiyaan tacliinta internet-ka ku baxda, inkastoo dawladdii Buhari ee 25 April 1984kii kala dirtay, haddana waxa dib loo bilaabay 12 April 2001 oo uu bilaabay Madaxweynihii hore ee Nijeeriya Olusegun Obasanjo, intii waqtigaa ka dambaysay waxa uu golahan fuliyey horumar badan oo dhinaca tacliinta ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post