X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Maraykanka Trump Oo Ka Hadlay Dareenkiisa In Xilka Laga Qaado

 Washington(ANN)-Madaxweynahadalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku waajahan in xilka laga xayuubiyo, wuxuuna ku dooday in aanu wax cabsi ah ka qabin in kalsoonida lagala noqdo.

Sidaana waxa lagu shaaciyay Warbixin  lagu qoray wakaaladda wararka ee Reuters oo waraysi gaar ah uu Madaxweyne Trump siiyay, “Way adag tahay in xafiiska laga eryo qof aan samayn wax khalad ah, islamarkaana abuuray dhaqaalihii ugu xoogga badnaa  abid ee taariikhda waddanka Maraykanka” ayuu yidhi, Madaxweyne Trump.

 Wixii ka danbeeyay doorashadii dhexe ee bishii hore kadhacday Maraykanka oo sababtay in xisbiga Dimuqraadigu ku guulaystay golahawakiiladda, waxa soo baxayay warar sheegaya in Xubnaha mucaaradka xisbiga dimuqraadigaay  soo saareen  arrimo walaac abuuray oo ay ka mid tahaylacago uu bixiyay qareenkii madaxweynaha Michael Cohen, kuwaas oo la siiyay haween ka hor doorashadii madaxtinnimada 2016. Lacagahaasi oo sharci darro ahayd,waxay dacwad oogayaal Xeer-ilaalinta Federalka ah ku doodayaan in bixintooda uuamray Trump.

Dimuqraadiyiinta, ayaa sidoo kale ku doodaya in lacagahaasioo sharciga ka fogaa aanu sidoo kale Trump ku shaacin ololihiisi markii uu doorashada u ordayay 2016, waxayna leeyihiin tallaabooyin noocani ah waxay abuuri karaan in madaxweynaha codka kalsoonida loo qaado, xafiiskana laga eryo, sida ay sheegayaan doodaha la xidhiidhaa.

Sidoo kale Madaxweyne Trump, waxa fadeexad ku noqotay dhawaaqyadii is burinayay iyo jawaabihii kala duwanaa ee isaga iyo Xoghayihiisa arrimaha Debadda Michael R. Pompeo ka bixiyeen dilkii foosha xumaa ee weriyihii u dhashay dalka Sucuudiga Jamal Kashoggi, kaas oo Hay’adda sirdoonka Maraykankaee CIA, ka sheegtay golaha Senetka hortiisa in uu dilka weriyahaa ka danbeeyay Amiirka dhaxalka Sucuudiga Maxammed Bin Salmaan, balse marar baddan ayuu Madaxweyne Trump isku deyey inuu ka difaaco eedahaa, arrintaa mudanayaasha aqalka wakiiladda iyo Senetku qaar baddan oo ka mid ah si weyn u dhaleeceeyeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post