X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Maraykanka Oo Qirtay In Woqooyiga Kuuriya Halis Iyo Cabsi Xoogan Ku Abuuray Adduunka

Araweelo News Network

 

US President Donald Trump

Washington (ANN)- Madaxweynaha dalka Maraykanka Mr. Donald Trump, ayaa ku dooday in dawladda Woqooyiga Kuuriya la soo baxay awood millatari oo halis iyo cabsi xoogan ku tahay guud ahaan caalamka oo dhan, sidaa darteedna ay miiska saaran yihiin tallaabooyin kasta oo lagaga hortagayo haliska ka soo fool leh halista Woqooyiga Kuuriya.
Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Guriga Cad ee Maraykanka oo Madaxweyne Donald Trump ka jawaabay gantaal tijaabo ah oo laga soo riday gudaha waddanka Woqooyiga Kuuriya maalintii Isniinta, siina dul maray hawada sare ee dalka Japan, ka hor intii aannu ku qarxin badweynta Baasifiga (Pacific Ocean), kaasoo socda masaafo dhan 1,700 mayl.
“Farriintii u dambaysay ee ka soo baxday Rajiimkan (Woqooyiga Kuuriya) si sac doo xooggan ayey u soo gaadhay adduunka, waxaannu maamulkani iftiimiyey cadawtinimada uu u hayo dalalka jaarka la ah, dhammaanba dalalka xubnaha ka ah Qarammada Midoobay iyo weliba hab-dhaqanada ugu yar ee aan sinaba looga aqbali karin caalamka oo dhan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Maraykanku.
Waxaannu intaas ku daray; “Hadidaada iyo ficilada xasilooni-darrada ah, waxa ay sii kordhinayaan oo qudha in nidaamka Woqooyiga Kuuriya laga go’doomiyo dalalka ay dariska yihiin ee gobolka ku yaal iyo adduunka oo dhan, waxaanna miiska saaran tallaabooyin kasta oo lagula tacaalayo haliska ka soo socota.”

Dhinaca kale, dalalka Japaan iyo Koonfurta Kuuriya, ayaa si xooggan u cambaareeyey gantaalka u dambeeyey ee laga soo tuuray dhinaca Woqooyiga Kuuriya, kaasoo ay ku tilmaameen mid daandaansi ah oo aanay sinaba ugu dul-qaadan karin, iyadoo uu Ra’iisal-wasaaraha waddanka Japan Mr. Shinzo Abe uu si gaar ah sas iyo cabsidii ugu weynayd ka muujiyey gantaal Kuuriyada Woqooyi dul marisay dalkiisa maalintii Isniinta.
Mr. Abe waxa uu arrintaas ku tilmaamay khatar aan iyada oo kale la arag oo dalkiisa soo wajahday, isagoo intaa ku daray in xukuumadiisu qaadayso wax kasta oo ay nolosha shacabka ku ilaalinayso.

Gantaalkan oo la riday subaxnimadii hore ee shalay, waxa uu sii dul maray jasiiradda Hokkaido, ka hor intii aannu ku dhicin biyaha badda ee woqooyiga dalka Japan.
Ciidammada Japan ayaa la sheegay in aanay isku dayin inay soo ridaan ama dhexda ku qabtaan gantaalka Kuuriyada Woqooyi dul-marisay, inkasta oo raadaalladu markiiba digniin bixiyeen.
Beryahan dambe waxa Kuuriyada Woqooyi ridaysay gantaalo badan oo tijaabo ah, hase yeeshee dhif iyo naadir bay ahayd in ay gantaalaheeda dul mariso dalka Japan.
Kuuriyada Woqooyi waxay ridday saddex gantaal oo nooca ridada dhexe ah, waxaanay ku dhaceen meel ka baxsan xeebaha bari ee dalkaas maalmihii Sabtida iyo Jimcaha ee toddobaadkan.
Gantaalka cusub ee la riday shalay, ayaa la sheegay markii uu dul-marayey hawada Japan inay farriimaha digniinaha ah degdeg u direen raadaallada dalkaas, laakiin idaacadda dawladda ee Kuuriyada Woqooyi ayaa baahisay in aannu wax khasaare ah dhicin.
Geesta kale, Madaxweynaha Maraykanka Mr. Donald Trump iyo Ra’iisal-wasaaraha Japan oo khadka telefoonka ku wadahadlay shalay, ayaa ka sheekaystay tallaabooyinka lagaga hortagi karo haliska ka soo socoto waddanka Woyoogiga Kuuriya, iyadoo Maraykanku muujiyey inuu diyaar u yahay sidii uu u difaaci lahaa dalka Japan haddii ay ku timaad wax halis ah.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post