X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Maraykanka Oo Hakiyay Weerar Uu Doonayay Inuu Ugu Jawaabo Iran

US President Donald Trump talks to reporters before departing the White House March 22, 2019 in Washington, DC. [Chip Somodevilla/Getty Images]

Washington(ANN)-Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump,  ayaa sheegay in weerar la doonay in lagu qaado 3 goobood oo dalka Iran ah, isla markaana loo qorsheeyay in lagu dilo 150, uu joojiyay 10 daqiiqo ka hor intii aan la bilaabin weerarkaa.

Arrintaa ayaa Trump, kaga jawaabi lahaa kadib markii Khamiistii ay toogasho kusoo rideen Ilaalada kacaanka Iran diyaarad aan duuliye lahayn oo ciidamada Mareykanku lahaayeen, taas oo lagu soo riday gobolka koonfurta xeebta ee Hormozgan.

.

Sarkaal ka tirsan Pentagon, ayaa  u sheegay wargayska Newsweek in Maraykanka ay bartilmaameed u ahaayeen weerarrada S-125 Neva / Pechora iyo nidaamka Soofiyeedka ee loo yaqaano isbahaysiga NATO ee galbeedka sida SA-3 Goa

Milatariga Maraykanku waxay sheeganayaan in hubka ay  adeegsadeen Ilaalada kacaanka Iran ( IRGC) si hoos loogu dhigo maraakiibta Navy RQ-4A Global Hawk. Si kastaba ha ahaatee, Iran ayaa si rasmi ah u caddaynaysa in ay u isticmaashay markii ay diiyaarada soo gashay hawadooda, iyagoo ku kalsoon raadarada iyo qalabka ay isticmaalayaan Ilaalada kacaanka Iran ee difaaca cirka iyo qalabka  oo ah nooc ka mid ah nidaamka rasmiga ah ee Raadiyaha-dusha-hawada ee maxalliga ah.

Trump ayaa markii hore soo saaray digniino taxane ah, isaga oo ku adkeystay in RQ-4 Global Hawk uu duuliyay biyaha caalamiga ah, balse ay hoos u dhigeen maraakiibta Iran, wuxuuna  talalabada Iran ku tilmaamay khalad weyn oo ay gashay Iran, balse wuxuu xusay inay xaaladu ka xumaan lahayd haddii ay diyaarada lasoo riday ahaan lahayd mid duuliye waday, wuxuuna sidaa u sheegay Khamiistii warfidiyeennada Xafiiska Aqalka Cad, isagoo xiligaa la kulmay Raysal Wasaaraha Canada Justin Trudeau .

Arrintan ayaa noqonay markii labaad ee Madaxweyne Trump mudaadii uu xukunka hayay lagaga hor istaagay inuu isku dayo weearar uu la beegsado Iran, walaw dalka Iran aanu ahayn mid si fudud loogu qaadi karo weerar, kaas oo saamayn ku yeelanaya dhaqaalaha iyo amaanka dunida.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post