Araweelo News Network
Obama oo dhinacyada ka fadhiyaanWashington(ANN)Madaxweynaha Maraykanka Obama Oo ku Dhawaaqay inuu $7.7 Bilyan Dayn ah ka Saamaxayo Ardayda Dalkiisa.

Daynta lagu bixiyo waxbarashada ardayda, waxa ay ka mid tahay dhaqaalaha ugu culus ee dunida dadku qaato, gaar ahaan dalka Maraykanka, iyadoo mar kasta la sii badsado amma la kordhiyo, kuna xidhan hadba sida ay u sii kordhayso tirada ardayda.
Daynta ardaynimada lagu qaato waxay ka mid tahay dhibaatooyinka da’yarta Maraykanku inta badan ka cawdaan, kuwa waxbarashada ka qallin-jebiyaana waxa ay ku noqotay arrin aad u adag. Kumanaan arday ah oo qallin-jebiyey waxa ay ku keentay in noloshu ku adkaato oo shaqooyinkoodu ka bixin kari waayaan daynta lagu yeeshay muddada ay tacliinta baranayeen, waana wax daba taagan adduunka meel kasta oo uu ka tago.
Xaqiiqadii Madaxweynayaal badan oo adduunka ah waxa ay olole ku galaan in waxbarasho bilaash ah dhallinyarada dalka uu u fidinayo, laakiin arrintan waxay caqabad ku noqotaa marka uu xilka ku guulaysto.
Waxa cajiib noqotay in Madaxweynaha Maraykanka Mr. Barack Obama uu go’aansaday inuu daynta ka cafiyo ardayda dalkiisa, isagoo ku dhawaaqay shalay inuu qorshaynayo sidii ardayda tiradoodu dhan tahay kumanaan arday looga cafin lahaa daynta waxbarashada.
Waxa kaloo uu si gaar ah ugu dhawaaqay Madaxweyne Obama inuu iska dhaafaayo $7.7 bilyan oo dollar oo dayn waxbarasho ah oo arday lagu leeyahay, gaar ahaan ardayda naafada ah.
Arday ka badan 400,000 (afar boqol oo kun) oo qof ayaa caawimo ka heli doona arrintan, waxaanay keeni doontaa in arday badan waxbarashada ku soo dhiirato, kana faa’iidaystaan cafiska madaxweynaha Maraykanka.