X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soonaaliya Ee Puntland Oo Booqasho Daan Daansi Ah Ku Tegey Deegaanka Badhan Ee Sanaag

 

Badhan(ANN)-Maadaxweeynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  booqasho daandaansi ah ku tegey Magaalada Badhan ee Bariga gobolka Sanaag ee Somaliland, Sidoo kale wuxuu booqday deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag.

Booqashada Cabdiweli, waxa ku weheliya xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka dawlada Soomaaliya, wuxuuna ku sugnaa halkaa muddo laba maalmood ah, waxaana ku qaabilay magaallada Badhan Suldaanka Guud ee deegaankaa Suldaan Cabdisalaan.

Sidoo kale, wuxuu mudadaa labada  cisho ee uu joogay magaaladda Badhan xadhiga  ka jaray jaamacadda Maakhir iyo xarun Bangi, sida uu sheegay afhayeenka maamulka Puntland ahna wasiiru dowlaha madaxtooyada Maamul goboleedka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac Qudhaanjecel.

Dhinaca kale xukuumadda Soomaliland ayaa ku tilmaantay socdaalka gaas daan daansi dagaal, iyadoo Somaliland iyo Puntland ay hore ugu dagaalameen  deegaanka Tuka- Raq ee gobolka Sool oo weli  ay labada dhinac isku hor fadhiyaan, waxayna booqashadiisa xiligan ee Badhhan u muuqataa mid deegaankaa ka hurinay colaad horleh.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post