Badhan(ANN)-Maadaxweeynaha Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa booqasho daandaansi ah ku tegey Magaalada Badhan ee Bariga gobolka Sanaag ee Somaliland, Sidoo kale wuxuu booqday deegaamo ka tirsan gobolka Sanaag.
Booqashada Cabdiweli, waxa ku weheliya xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamanka dawlada Soomaaliya, wuxuuna ku sugnaa halkaa muddo laba maalmood ah, waxaana ku qaabilay magaallada Badhan Suldaanka Guud ee deegaankaa Suldaan Cabdisalaan.
Sidoo kale, wuxuu mudadaa labada cisho ee uu joogay magaaladda Badhan xadhiga ka jaray jaamacadda Maakhir iyo xarun Bangi, sida uu sheegay afhayeenka maamulka Puntland ahna wasiiru dowlaha madaxtooyada Maamul goboleedka Puntland C/laahi Maxamed Jaamac Qudhaanjecel.
Dhinaca kale xukuumadda Soomaliland ayaa ku tilmaantay socdaalka gaas daan daansi dagaal, iyadoo Somaliland iyo Puntland ay hore ugu dagaalameen deegaanka Tuka- Raq ee gobolka Sool oo weli ay labada dhinac isku hor fadhiyaan, waxayna booqashadiisa xiligan ee Badhhan u muuqataa mid deegaankaa ka hurinay colaad horleh.