Araweelo News Network
Kismaayo(ANN)-Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay Khilaafka siyaasadeed ee dalalka Khaliijka iyo sida uu saamaynta ugu yeeshay Soomaaliya, wuxuuna si weyn u dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku waajahan khilaafka dalalka Carbeed ee Khaliijka.
Axmed Madoobe oo warbaahinta la hadlay mar uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegey dalalka Ethiopia, Kenya iyo Imaaraadka Carabta ee UAE, wuxuuna ku eedeeyay dowladda Federaalka inay ka leexatay mowqfikii ay hore u qaadatay ee dhexdhexaadnimada oo ay dhinac noqotay.
“Arrinta khaliijka dowladda Federaalku dariiq sax ah umay marin marka la eego tallaabooyinka ay ku dhaqmayso, markaa waa inay dib uga noqotaa go’aankeeda, annagu haddii aannu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.” ayuu yidhi, Axmed Madoobe, wuxuuna xusay in dawladda Federaalku go’aankeedii ka dhigtay in ay la safato dalka Qadar.
“Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu yidhi Axmed Madoobe.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadkii hore sheegtay in ay go’aan dhexdhexaad ah ka qaadatay Khilaafka dalalka Khaliijka, waxayna ku baaqay in muaranka Khaliijka lagu dhameeyo wada hadal.