X
    Categories: Warar

Madaxweynaha La Doortay Oo La Kulamay Mudanayaal Ka Socda Baarlamaanka Midowga Yurub Oo U Ololeeya Qaddiyadda Somaliland

Araweelo News Network

Madaxeeynaha la doortay Muuse Biixi Iyo Xubnaha Baarlamaanka Midawga Yurub

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha cusub ee dhawaan shacabka reer Somaliland doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub, kuwaas oo si xoog leh ugu dhaqdhaqaaqa qaddiyadda gooni-isu-taagga Jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii ay ictiraaf rasmi ah uga heli lahayd beesha caalamka.

Wefdiga  oo ka kooban xubno ka ah xildhibaanno si weyn dunida looga yaqaanno iyo siyaasiyiin caan ku ah ololaha ka midho-dhalinta sidii Somaliland dunida inteeda kale uga heli lahayd ictiraaf buuxa, kuwaas oo ay ka mid yihiin Xildhibaan James Carver oo ka mid ah Midowga Yurub, lagana soo doorto Gobolka West Midland ee dalka Ingiriiska, xildhibaan Raymond Finch oo Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub ka tirsan, kana soo jeeda Gobolka Koonfur-Bari ee dalka Britain, lagana soo doortay xisbiga UK Independence Party (UKIP) iyo Stephen Atkinson oo ah la-taliyaha arrimaha dibadda u qaabilsan xildhibaan James Carver, isla markaana xubin ka ah golaha ay ku bahooheebeen saaxiibada ay Somaliland ku leedahay Golaha Baarlamaanka Midowga Yurub iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Belgium-ka Md. Maxamuud Cabdi Dacar.

Madaxweynaha, waxa kulankaa ku weheliyay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim Qabo iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Kaysar Cabdilaahi Maxamed.
Kulanka ooo lagaga wadahadlay arrimo dhawr ah oo kala duwan, waxa xildhibaannadu halkaasi ku soo gaadhsiiyeen Madaxweynaha cusub hambalyo ay ka sideen guud ahaan Baarlamaanka reer Yurub iyo gaar ahaan dalka Ingiriiska ee ay kasoo jeedaan.

Waxa kaloo xubnaha wefdigu Madaxweynaha cusub ee la doortay ugu bushaareeyeen inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan ka midho-dhalinta qaddiyadda madaxbannaanida Somaliland, iyaga oo shaaciyey inay gacan buuxda ka siin doonaan xukuumadda cusub sidii ay dunida Ictiraaf buuxa uga heli lahayd.

Madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa xubnaha xildhibaannada ah ku bogaadiyey doorka lama ilaawaanka ah ee ay kaga jiraan raacadada loogu jiro ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaannu ammaanay dadaalka ballaadhan ee ay ka dhex wadaan Golaha Baarlamaanka Midowga reer Yurub dhexdiisa, waxaannu ballanqaaday inuu si dhaw ula shaqan doono, kana saacidi doono wax kasta oo ay uga baahdaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post