X
    Categories: Warar

Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland Muuse Biixi Oo Sheegay Inuu Wada Hadal La Gelayo Murrashaxiinta Xisbiga WADDANI

Araweelo News Network

“Somaliland Ayaa Guulaysatay, Murrashaxiinta aanu tartanayna….” Daawo

Murrashaxa KULMIYE Muuse Biixi oo loo doortay Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in natiijada guushu aanay gooni u ahayn cid gaar ah, balse ay Somaliland guulaysatay, sidaana wuxuu ku sheegay dhawaaqii u horeeyay ee mar uu ka hadlayay dareenkiisa natiijada loogu dhawaaqay.

Murashaxa ku guulaystay doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ka qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017 ee lagu dhawaaqay galbta, wuxuu sheegay in uu ka shaqaynayo sidii uu Somaliland horumar u gaadhsiin lahaa, isla markaana cid walba oo wax tabanaysa ula hadli lahaa.

Muj. Muuse Biixi oo ka hadlay waxa uga qorshaysan Murrashaxiinta kale ee la tartamayay, wuxuu sheegay in uu wada hadal la bilaabayo, isla markaana ku kalsoon yahay in gamcaha lays qabsado, maadaama Somaliland ay leedahay cadaw badan.

Murrashaxa, ayaa sheegay in Murrashaxiinta WADDANI iyo Ucid uu kala hadlayo sidii laysu laab xaadhan lahaa, taas oo uu sheegay in ay tahay talaabada u horraysa ee uu qaadayo.

Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE, ayaa loogu dhawaaqay guusha doorashada, kadib markii Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici ku guulaysteen tirada guud ee doorashadda codad dhan 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Xukuumada Somaliland,  ayaa soo saartay amar adag oo lagu mamnuucayo dabaal degyo la xidhiidha guusha doorashadda Somaliland ee lagu dhawaaqay goor dhowayd, taas oo Murrashaxiinta Xisbiga KULMIYE loogu dhawaaqay, kadib markii Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici ku guulaysteen tirada guud ee doorashadda codad dhan 79,817 (toddobaatan iyo sagaal kun, siddeed boqol iyo toddoba iyo toban cod).

Halkan Ka Daawo Madaxweynaha La Doortay Oo Dareenkiisa ka hadlaya guusha Doorashadda Madaxtooyadda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post