X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma Oo Ganafka Ku Dhiftay Dalabka Xisbigiisa Ee Ah Inuu Is Casilo

Araweelo News Network

Jacob Zuma

Johannesburg(ANN)-Madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma oo dhexmushaaxaya fadeexad musuqmaasuq, ayaa ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka. kadib markii Xisbigiisa ANC, usoo jeediyeen inuu is casilo, balse Zuma, ayaa sheegay in aanu sameynin wax khalad ah, oo aanay jirin sabab uu xilka uga dego.

Hadalka madaxweyne Zuma ayaa kusoo beegmay kadib markii golaha sare ee xisbiga tallada haya ee ANC ay sheegeen inay taageeri doonaan mooshin xilka lagaga qaadayo madaxweynaha maalinta khamiista.

Jacob Zuma oo 75 jirkan ayaa waajahaya cadaadis ah inuu iscasilo, waxaana mas’uulkan loo haystaa eedeymo musuqmaasuq, balse
Zuma waxaa uu ku doodayaa in saraakiisha sarsare ee xisbiga ANC ay ku guuldareysteen inay fahfaahiyaan sababta xilka looga qaadayo.

“Arrintan la doonayo in xilka layga qaado waxay aniga igu tahay caddaalad darro, mana la ii sheegin sababta” waxaa sidaasi warbaahinta qaranka ee dalka Koonfur Afrika u sheegay madaxweyne Zuma.

Mr Zuma waxaa kale oo uu sheegay inuu soo jeediyay inuu xafiiska baneeyo bisha June ee sannadkan, isagoo  muujiyay sida uu uga xunyahay qaabka loo waajahayo xil ka qaadistiisa.

Zuma ayaa intaa ku daray in fahfaahin dheeraad ah uu arrintan ka bixin doono saacadaha soo socda.

Dhinaca kale Madaxa xisbiga ANC, Jackson Mthembu ayaa ku dhawaaqay in maalinta khamiista cod loo qaadi doono xil ka qaadista Jacob Zuma, iyadoo  xilkaasi loo dhaarin doono Cyril Ramaphosa oo ah madaxweynaha xisbiga ANC.

Golaha sare ee xisbiga ANC ayaa ku dhawaaqay inay go’aansadeen in xafiiska uu baneeyo Zuma, iyagoo Zuma u qabtay in ugu dambeyn uu isku casilo ilaa iyo maalinta arbacada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post