X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Kenya oo Xaaladda Ammaanka Dalkiisa ku Xidhay Nabadaynta Soomaaliya

Araweelo News Network

Nairobi(ANN) Madaxweynaha Kenya Mr. Uhuru Kenyatta, ayaa qiray in aan dalkiisu nabad iyo xasillooni lagu noolaado helayn ilaa laga nabadeeyo waddanka ay dariska yihiin ee Soomaaliya.
Madaxweyne Kenyatta waxa uu ugu baaqay caalamka in ay gacan ka geystaan nabadeynta dalka Soomaaliya oo colaado ragaadiyeen muddo 25 sannadood ah.
“Kenya nabad ma helayso, kumana naaloonayso, ilaa la soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii ka jirtay dalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya oo hadal ka jeediyey kulan magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxweynaha dalka Turkiga maalintii Jimcaha.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray in loo baahan yahay dhaqaale badan oo lagu wiiqo awoodda kooxda Al-shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya oo uu tilmaamay inay khatar weyn ku hayaan ammaanka dalkiisa iyo guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika oo dhan.
Waxa kaloo Madaxweyne Uhuru carrabka ku adkeeyey in ciidammada AMISOM ka bixi karaan oo keliya Soomaaliya marka kor loo qaado dhaqaalaha iyo awoodda ciidammada kala duwan ee maamulka Muqdisho.
“Waa in la helo dhaqaale badan, lana xoojiyo awoodda iyo tayada ciidammada xoogga dalka Soomaaliya si looga adkaado Al-shabaab,” ayuu yidhi Kenyatta.
Dhowrkii sannadood ee u dambeeyey dalka Kenya waxa ka dhacay weerarro dhowr ah qaarkood khasaare badan dhaliyeen oo dagaalyahannada Al-shabaab magaalooyin kala duwan oo dalkaas ku yaal, kadib markii xukuumadda Nairobi ciidammada u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM ee dagaallada qadhaadh kula jira kooxda Al-shabaab.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post