X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Kenya Oo Saxeexay In Xilka Guddoomiyaha Laga Qaado Aadan Barre Ducaale

Aadan Barre Ducaale

Nairobi(ANN)-Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyata, ayaa qorsheeyay in xilka laga qaado Guddoomiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Xildhibaan Aadan Barre Ducaale, kadib markii lagu kiciyay xiisad siyaasadeed.

Xildhibaan Aadan Barre, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda dhulka NFD ee dhulaka Soomaalida ee Kenya, ayaa hayay xilka guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka ee Xisbiga Jubilee  ee uu guddoomiye u yahay Madaxweyne Uhuru Kenyata.

Xildhibaano gaadhaya 130, oo katirsan baarlamaanka Kenya ayaa saxeexay mooshin soo jeedin ah oo ahaa warqad xilka qaadis ah oo ay ka gudbiyeen Aadan Barre Ducaale, taas oo loo gudbiyayguddoomiyaha xisbiga Jubilee oo ah Madaxweyne Uhuru, si uu u saxeexo xilka qaadista Xildhibaan Aadan Barre Ducaale.

 

Madaxweyne Uhuru Kenyata, ayaa markaa kadib soo saaray Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo lagu sheegay in Aadan Barre Ducaale laga qaaday xilka guddoomiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post