X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Kenya Oo Hanjabaad U Diray Al-shabaab, Ciidammada Oo Heeggan La Geliyay Iyo Bandaw Lagu Soo Rogay Magaalooyinka Qaar

Nairobi(ANN)Ciidammada Dalka Kenya, ayaa heeggan la geliyay, waxaana boqolaal ciidammada amaanka ah la dhoobay xaafada Isli ee Soomaalidu ku badantahay, isla markaana uu ku yaal suuqa ugu weyn ganacsiga ee Nairobi.
Sidoo kale waxa bandaw lagu soo rogay magaalooyinka gobolka Woqooyi Bari ee Soomaalidu degto oo ku yaal xadka dhinaca Bari ee ay Kenya la wadaagto Somalia, kuwaas oo kala ah Gaarissa, Wajeer, Mandheera iyo Tanariva. Kadib weerarkii Al-shabaab ku qaaday Jimcihii todobaadkan dhismaha Jaamacadda Gaarissa University Collage oo koox hubaysan oo Al-shabaab ka tirsan ku qabsadeen Ardaydii wax ka baranaysay, isla markaana ku dileen in ku dhow 174 qof, iyadoo tiro kalena ku dhaawantay, taas oo sababtay in albaabada loo laabo gebi ahaanba dhimasha jaamacadda.

Madaxweynaha dalka Kenya Mr. Uhuro Kenyatta, ayaa fariin hanjabaad ah u diray Al-shabaab, Sida lagu baahiyey wakaaladaha wararka AP, Madaxweynaha Kenya oo hadal u jeediyey dadweynaha dalkiisa maanta, ayaa shaaciyey inay tallaabo ciqaab adag ah ka qaadi doonaan Al-shabaab oo dagaalyahanno ka tirsan fuliyeen weerar lagu qaaday jaamacad ku taal magaalada Gaarisa oo lagu dilay ugu yaraan 150 qof oo u badan arday.
“Dawladda Kenya waxay sida ugu adag, uguna xannuunka kulul uga jawaabi doontaa weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarissa, ciqaabta ugu adagna waannu marsiin doonnaa kooxda qaadday weerarkaas, annagoo la geli doona dagaal culus,” ayuu yidhi Madaxweyne Uhurro sida ay baahisay AP.

“Qarannimada Kenya waxa usoo dagaalamay oo dhiiggooda u shubay awoowyaasheen, annaguna waxaannu samayn doonnaa wax kastoo aan ku difaacayno hab-nololeedkayaga, kuwa argagixisada ahna u oggolaan mayno inay si xor ah u noolaadaan, waxaanan ku dedaali doongaa in aan caddaalada horkeenno, iyadoo aan loo oggolaan doonin inay dawlad islaami ah ka sameeyaan Kenya.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya.
Dawlada Kenya, ayaa sheegtay inay Afar ka mid ah kooxdii weerarka fulisay dishay, balse Hay’addaha Ammaanka Kenya ayaa lacago adag dul dhigtay Mohamed Mohamud Dulyadin (Gacmadheere) oo deegaan ahaan kasoo jeeda Magaalada Gaarisa kana tirsan Saraakiisha Al-shabaab, kaas oo lagu eedeeyay inuu yahay maskaxda ka dambaysay weerarka jaamacadda Gaarissa.

Wasiirka Amniga Kenya Mr. Joseph Nkaissery, ayaa sheegay inay dowladdiisu bixin doonto 20 Milyan oo shilinka Kenya ah oo la siin doono ciddii warar la xidhidiha Mohamed Gacmadheere usoo gudbisa saraakiisha ammaanka.

Mohamed Mohamud Dulyadin (Gacmadheere), waxay Kenya ku tilmaantay inuu yahay Hoggaamiyaha Al-shabab u qaabilsanaa gobolada Jubooyinka, waxaana lagu eedeeyay inuu yahay madaxda howlgallada dibadda ee ururka Al-shabaab.

April 2014, ayaa ciidammada dalka Kenya Soomaali 4,000 ka baddan ka qabqabteen xaafada Islii ee Bariga Nairobi, waxaana loo taxaabay xabsiyada, iyadoo markii xabsiyadu buuxsameen garoomada Ciyaaraha xabsiyo looga dhigay dadkaa, waxaana xiligaa dawlada Kenya hawlgalkaa sabab uga dhigtay mid ay ammaankeeda ku sugayso. Kadib weeraro ka dhashay gudaha dalka iyo qarax waqtigaa maalmo ka hor ka dhacay xaafada ISlii oo ay ku dhinteen dad gaadhaya 5qof.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post