X

Madaxweynaha Jarmalka Oo Loo Diiday Inuu Cagta Dhigo Ukraine

” Arrintu waxay ahayd astaan adag oo wadajirka ah iyo in reer Yurub oo ay la socdaan Ukraine”. Steinmeieron Madaxweynaha Jarmalka

Araweelo News Network.

Warsaw (ANN)-Madaxweynaha Jarmalka Frank Walter Steinmeieron ayaa loo diiday inuu cagta dhigo Ukraine, wuxuuna gebi ahaanba joojiyay safar u qorshaysnaa inuu ku tago caasimadda Ukraine ee KyiV.

Madaxweynaha Jarmalka Frank Walter Steinmeieron iyo Madaxweynaha Poland Andzej Duda oo ku kulmay Warsaw. 12 April 2022,Image Araweelo News Network.

Frank Walter oo warfidiyeenka kula hadlay Caasimadda Poland ee Warsaw, Tallaadadii wuxuu si cad u sheegay in safarka loo soo jeediyay in ay isaga iyo hoggaamiyaal kale ay ku tagaan Kyiv loo diiday.

Madaxweynaha Jarmalka Frank Walter Steinmeieron, wuxuu sheegay in hoggaamiyaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy u diiday booqashada uu ku tegi lahaa Kyiv.

Steinmeier wuxuu qorsheynayay inuu booqasho rasmi ah ku tago Ukraine, isagoo kulamo la yeeshay madaxweynaha reer Poland Andzej Duda, iyadoo booqashada ay ku wehelin lahaayeen Madaxweynayaasha dalalka Poland, Estoniyan, Lithian iyo Latvia.

“Arrintu waxay ahayd astaan adag oo wadajirka ah iyo in reer Yurub oo ay la socdaan Ukraine.”ayuu yidhi, Laakiin “taas waxay u muuqata in aan laga rabin Kyiv” sidaa ayuu yidhi, Madaxweynaha Jarmalka Steinmeier markii uu booqanayay caasimadda Poland ee Warsaw.

Laxidhiidha: Putin Oo Si Badheedh Ah U Sheegay In Ciidamadiisu Hub Casri Ah U Adeegsanayaan Duullaanka Cusub

Hoggaamiyaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa hore dhaleecayn ugu jeedisay Madaxweynaha Jarmalka, iyadoo Ukraine ka walaacsan xidhiidhka uu la yeeshay Ruushka iyo doorka hoggaaminta ee uu ka ciyaaray markii uu Steinmeier ahaa wasiirkii hore ee arimaha dibada, taas oo loo arkayay mid lagu wanaajinayo xidhiidhka uu la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Jarmalka, ayaa hore u sheegay markii ay bilawga ahayd xiisada Ukraine in aannay Kyiv u baahnayn hub iyo saannad Millateri ee ay dadka reer Ukraine u dirayaan koofiyado, oo aannay dadka Jarmalka iyo dawladdoodu rabin dagaal ka holca gobolka, taas oo ahayd farriin ku socota dallalka reer galbeedka ee NATO iyo xulafadooda Maraykanka oo qorshaynayay in hub lagu daabulo Ukraine, waxaana arrintaa ka cadhooday Hoggaamiyaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.

Dhinaca kale, arrintan ayaa cadho ku abuurtay hoggaamiyayaasha dhawr dal oo Madaxweynaha Jarmalka ay ku wada socdeen, waxayna u muuqataa mid si cad u muujinay in ay jirto kala qaybsanaan xullufada dalalka Yurub marka laga hadlayo dagaalka Ukraine iyo doorka Ruushku ku leeyahay gobolka.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post