X
    Categories: Warar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Safiirka Maraykanka U Qaabilsan Dalalka Soomaalida

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka dalalka Maraykanka iyo Somaliland iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee labada dal ka dhexeeya.

Arrimaha sida gaarka ah kulankan diiradda loogu saaray, ayaa waxa ugu waaweynaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ka qorshaysan, sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen horumarka ay ku talaabsanayso Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo Dimuqraaddiyadda ka hano qaadday Jamhuuriyadda Somaliland.

Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinaysay madaxa xafiiska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee safaaradda Maraykanka, Ms Shella A. Billas iyo madaxa xafiiska hay’adda USAID.

Dhinaca madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana uu kulankaasi kusoo dhammaaday guul.


admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post